“Beesha Caalamku Xuquuq Qofna Way Ilaalisaa Dal Dhan Oo Somaliland La Yidhaahdona way Duudsiday” Wasiirka Caddaaladda

0
288

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre,ayaa beesha caalamka ku dhaliilay inay xuquuq qof kaliyana  ay ilaalinayso isla markaana ay duudsiday dal dhan iyo dadkiisaba xuquuqda ay leeyihiin iyo xaqa ay u leeyihiin aayo ka tashigoodaba.
Wasiirka Cadaaladdu waxa uu  Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha u dooda uu ku tilmaamay qaar garab marsan Xuquuqda ay sheegaan in ay ilaalinayaan laakiin ay waajib ku tahay in ay qiraan xaqa iyo Xuquuqdan qaran ee dalka iyo dadka reer Somaliland leeyihiin ee laga duudsiyay.waxaanu sidaa ka sheegay  xuska maalinta xuquuqal insaanka oo Somaliland laga xusay.
“Somaliland waxay u taagan tahay in ay ilaaliso xuquuqda aadamaha waxaanay u dhisan tahay oo ay u jirtaa dhawrista Xuquuqda aadamaha dhammaantood,waxaa laga yaabaa in aad la yaabtaan oo aad tidhaahdaan siday dhammaantood u ilaalisaa  Somaliland,laakiin waa run oo way ilaalisaa dhammaantood,mana jirto ama dalka Somaliland kama dhacdo in ciddi ay isku raacdo in ay cid kale xuquuqdooda duudsido ama xadgudub ku tallo gal ah ku samayso taana waxaa inna faraysa Diinteenna Islaamka oo Muslimku xuquuqda aadamaha isaga ayaa ilaaliya oo laga bartaa loogana marti yahay,” ayuu yidhi Wasiir Cadare.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Imika intiina munaasibaddan joogta ee xafladda ka soo qeyb gashay waxaan filayaa in aanu idinku jirin qof u diyaar ah in  uu qof kale ku xadgud baa laakiin way dhacdaa oo aadami ayaynu nahay oo wax baynu ilawnaa laakiin waxaa loo baahan yahay marka ay wax dhacaan ee qof  mid kale ku xadgudbo in la helo garsoor caddaalad ah oo loogu garsooro laguna kala saaro oo kii xuquuqdiisa lagu gefayna tiisa u soo celiya kan wax sameeyayna iyadoo tiisa la ilaalinayo sharcigana la mariyo.”
“Hay’addaha yidhaahda Xuquuq Aadami ayaanu dhawraa waxaanu  leenahay dambi ayaan ka gasheen qaranka Somaliland iyo dadkiisa waxaanad ku xad-gudubteen Aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin dadka reer Somaliland ee aayahooda ka tashaday ee qaranimadooda la soo noqday ee dawladnimadooda dhistay in ay helaan aqoonsi caalamiya.
Waxaan idin leenahay hadday dhab idinka tahay dhawrista Xuquuqal Insaanku waa inaad maanta ka bilawdaan doonista iyo ka hadalka aqoonsiga  dalka Somaliland caalamka ka mudan yahay ee uu xaqa u leeyahay farriintaa waanu idin faraynaa waana ta aanu idinku eegayno in aad ka run sheegaysaan dhawrista xuquuqda iyo in kale,”ayuu doodiisa ku sheegay  Wasiirka Cadaaladdu.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply