Farxiya Jaahuur Oo Ku Baaqday 15 Qoddob Oo Hirgelintoodu Xoojinayso Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Somaliland

0
306

Hargeysa(Dawan) :- Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, Farxiya Xaaji Xuseen Jaahuur,ayaa ha’yadaha  sharci dejinta iyo Xukuumadda ka codsatay dhammaystirka  xeerar muhiim u ah dhawrista Xuquuqda Aadamaha .waxaanay intaa ku dartay  in ay lagama maarmaan tahay in la helo  shuruuc dhammaystiran oo lagu dabaqo dhawrista Xuquuqal insaanka.
 
Waxaa kale oo ay Guddoomiye Farxiya sheegtay in Somaliland ay si wanaagsan u ilaaliso xuquuqdan  Aadamah isla markaana ay komishan ahaan diyaar u yihiin in ay mar kasta ka hawl galaan dhawrista Xuquuqda aadamaha.
 
Guddoomiye Farxiya oo  ka hadlaysay munaasibad balaadhan oo loo qabtay maalinta dhawrista Xuquuqda Aadamaha oo Somaliland laga xusay khamiistii ,ayay kaga hadashay xeerar u baahan in la dhammaystiro oo qaarkood muddo badan hor yaaleen golayaasha sharci dejinta.
 
Farxiya Xuseen Jaahuur waxay ka hadashay 15 qoddob oo ay sheegtay in loo baahan yahay in la meel mariyo si loo xoojiyo xuquuqda aadamaha, waxaanay qoddobadaasi u dhignaayeen sidan:-
 

  1. Waxaanu golaha Xukuumada iyo golaha wakiilada u soo jeedinaynaa in ay sameeyaan xeerka ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Somaliland sida ku cad qoddobka 25aad fiqradiisa 3aad.
  2. In xeer  xakameeya laga soo saaro Gudniinka hablaha.
  3. In golayaasha sharci dejintu dedejiyaan ansaxinta xeerka kufsiga.
  4. Waxaanu u soo jeedinaynaa Wasaarada cadaalada iyo Ciidanka Asluubta in kor loo qaado horumarinta xabsiyada iyo daryeelka maxbuuska.
  5. Daneeyayaasha Xuquuqda Aadamaha waxaanu usoo jeedinaynaa in la iska kaashado ilaalinta iyo dhawrista Xuquuqda Aadamaha.
  6. Wuxuu komishanku soo jeedinayaa in qabyo qoraalka,  waxka bedelka iyo kaabista xeerka saxaafada xeer No.27.2004 oo hada golaha wakiilada horyaal, sida ugu dhakhsaha badan loo ansixiyo si loo helo qaab dhismeed dimuqraadiya oo lagu maamulo saxaafada Somaliland.
  7. Waxaanu u soo jeedinayaa wasaarada waxbarashada iyo jaamacadaha in dalka laga abuuro kuliyadda saxaafadda.
  8. In la abuuro xeerka xuquuqda caruurta.
  9. In la dhaqan galiyo xeerka caruurta khilaafta sharciga ilmo kasta oo khilaafa sharcigana uu helo maxkamad u gaar ah iyo xarun u gaara si loo helo xuquuqdooda.
  10. In laga soo saaro xeer ilaalinaya daryeelka dadka dhimirka ka xanuunsanaya si loo ilaaliyo danahooda.
  11. Waxaanu ugu baaqaynaa wasaarada shaqada iyo  arrimaha  bulshadda, wasaarada caafimaadka iyo wasaarada diinta iyo awqaafta in ay hubiyaan goobaha  cilaajyada oo qaarkood ka dhaco xadubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
  12. Waxaanu ugu baaqayna golayaasha sharci dajinta qoondadii haweenka in la meel mariyo
  13. Dadka laga tirada badan yahay ay heelan qoondo u gaar ah.
  14. In wasaarada waxbarashadu ku darsato qorshaha in la helo waxbarashadii indhoolayaasha iyo qalabkii ay wax ku baranayeen.
  15. Bulsho weynta Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa in ay ilaaliyaan shuruucda dalka si loo helo bulsho ka fayow qabyaalada iyo tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply