Xeel dheereyaal dhinaca caafimaadka ah oo dhowaan sameeyey daraasad la xidhiidha xidhiidhka ka dhexeeya cunitaanka beedka iyo sidoo kalena xanuunada wadnaha ku dhaca ayaa cadeeyey in aanu jirin wax saamayn ah oo uu beedku ku lee yahay xanuunadaasi wadnaha ku dhaca.
Khubaradan caafimaadka oo ka socotay wadanka Maraykanka ayaa markii ay dhameeyeen daraasadan waxay natiijadii kusoo daabaceen joornaal dhanka caafimaadka ah oo lagu magcaabo American Heart Jornal ,waxaanay sheegeen in ujeedada ay ka lahaayeen daraasadani ay ahayd inay cadeeyaan sida uu beedku u sameeyo wadnaha,gaar ahaana xididada taga wadnaha .
Culimadan ayaa intii ay daraasadan wadeen waxay tijaabo ku sameeyeen ilaa 32 qof oo ay mid walba maalintii ku amreen inuu cuno laba midh oo beed ah,waxaanay baadhis ku sameeyeen bilawgii hawshaasi iyo dhamaadkiiba,iyaga oo cadeeyey in aanu wax saamayn ah ku yeelan dadkaasi wadnohooda iyo sida uu u shaqeeyo.
Khubaradan ayaa intaasi ku daray in aanay sidoo kale wax saamayn ah la kulmin dadka hore u lahaa xanuunka wadnaha ,iyaga oo kula taliyey dadka inay subixii cunaan laba midh oo beed ah haday awoodaan,waxaanay daraasadan kusoo gebo gebeeyeen in aanu caafimaadka waxba yeelin beedkaasi.






















