Qiso: Sadaqadii Bukaanka Bogsiisay

0
371

Wuxu ka tegay Isbitaalka isagoo daalan oo wejigiisa ay ka muuqato murugo badan, ka dib markii ay dhakhaatiirtu u sheegeen in xaalada hooyadii aanay rajo lahayn oo ay geeri qarka u saaraan tahay. Waxay taallay qolka gargaarka degdeg ah (Emergency Room).
Markii uu shidaalka ka qaadanayay  kaalinta, ayuu arkay bisad dhashay oo haysatay 4 caruur yaryar  oo kartoon ah dhex jiifta kana muuqato diif iyo gaajo, markiiba wuxu tegay suuqa hilibka waxaanu  usoo qaaday cunto. Waxa kale oo usoo iibiyay sanduuq yar oo uu ku riday  bisadda iyo  dhalaheeda, ka dibna wuu iska tegay.
Duhurkii markii uu ku soo noqday Isbitaalka isagoo qado u sida hablihii la joogay ayuu galay qolkii ay taalay, laakiin wuu ka waayay, aad ayuu u naxay!  Wuxu si dhakhso u weydiiyay isagoo ay ilmo ka qubanayso inantiii kaaliyaha ahayd “ meeday Islaantii hooyady ee halkan jiiftay?”  Si degan ayay ugu tidhi “ Xaaladeedii caafimaad way wanaagsanaatay waxaan dhignay qolka nagu xiga” . Markii uu  galay wuxu arkay iyadoo ka soo baxday koomadii oo sheekaynaysa. Isagoo ay weli ilmo ka qubanayso ayuu salaamay oo ku yidhi “ Hooyo sidee tahay ?” . waxayna ugu jawaabtay “ hooyo anigoo koomadii ku jira , waxaan arkay Bisad iyo dhalaheedii yaryara oo Allah ii baryaya inuu i siiyo caafimaad, markaasi ayuu iiga maydhmay xanuunkii sida uskaga oo kale “..

Leave a Reply