Engineers-ka samaynta qalabka wax duuba ayaa soo saaray markii ugu horeysay kamarad nooceedu ku cusub yahay caalamka,taas oo awood u leh inay wax ka duubto dhinacyo kala duwan ,sidoo kalena wax ku duubaysa dhinacyo kala duwan ,iyada oo markiiba tilmaami karta halka qofkaasi joogo iyo sidoo kalena meesha waxa la duubayaa yaalo.
Khubaradan ayaa hore isugu deyey inay sameeyaan kamaradan ,iyada oo ay u suurtogeli weyday inay kordhiyaan masaafada ay wax ka duubi karto iyo sidoo kalena habka ay wax u duubayso oo ay samayn kari waayeen,iyada oo aanay lahayn qaybaha cusub ee hadda lagu kordhiyey.
Kamaradan ayaa waxa soo saaray laba khabiir oo lagu kala magcaabo Genevieve Gariepy iyo Daniel Vacho oo uu wehelinaayo saaxiibkood oo ay ka wada tirsan yihiin jaamacadda Heriot Watt University oo ku taala Scotland,waxaanay ka kooban tahay kamaradani laba walxood oo kala ah Laser-Sensitive Camera iyo High Aseraha,kuwaas oo ah waxyaalaha suuro gelinaaya muqaalka dheer iyo inay hareeraha wax ka duubto,awoodana saarto xaga dambe iyo xaga hore.
Waxa kale oo lagu xidhay kamaredan waxyaalo si toosa ula soconaaya dhaq dhaqaaqa waxyaalaha la duubaayo ,iyada oo la isticmaalaayo qaabka lagu magcaabo Three Dimensional oo muuqaalka ka dhigaaya mid tayadiisu aad u sarayso.
Kooxda Injineerada ah ee hawshan faraha ku haysa ayaa sheegay inay ku dedaalayaan oo ay waqtigan wadaan sidii ay kamaradan ugu xidhi lahaayeen qalab digniineed oo hadii waqtigay wax duubayso la taabto samaynaaya qaylo aan duubitaankeeda waxyeelo soo gaadhsiin.






















