Daraasad cusub oo ay dhowaan soo saareen khubaro ku takhasustay cilmul nafsiga ayaa gebo gebadii kazoo saaray natiijada daraasada ay ka sameeyeen xidhiidhka ay lee yihiin dabeecad xumada caruurta iyo sidoo kalena waxbarashadoodu.
Khubaradan oo ka socotay American College of Neuropsychopharmacology ayaa sidaasi ka sheegay kuna soo bandhigan daraasadan natiijadii ay kazoo saareen kulankii 54-naad ee ay khubarada sayniska ee College kaasi yeeshaan,waxaana shirkaasi kazoo qayb galay ilaa 602 khabiir oo dhinaca sayniska ah .
Daraasadan intii la waday waxa ka qayb qaatay dad kala duwan oo da’doodu ka hoosayso 18 sanno jir ilaa kuwo ka sareeya intaba,waxaanay cadeeyeen Saynisyahanadani in aanay dabeecadda caruurtaas ee xumaataa wax xidhiidh ah la lahayn waxbarashadooda,iyada oo markii hore loo haystay in ay dabeecad xumadaasi keento waxbarashada oo uu qofku cadaadis kala kulmo.
Kooxahan baadhitaanka wadey ayaa is bar bar dhig ku sameeyey daraasadan intii ay ku jireen ilaa 50 xaaladood oo ay arkeen intii ay daraasadaasi wadeen,kuwaas oo laysku bar bar dhigaayey dabeecadda qofka ,gaar ahaana caruurta iyo sidoo kalena waxyaalaha la taxaluqa Genes kooda ama hindesideyaashooda.
Saynisyahanadan ayaa sheegay in dabeecad xumadu ay tahay waxyaalo ka yimaada markooda hore hindesideyaashooda,gaar ahaana iyaga oo sheegay inay caruurtu ku dhashaan cadhadaasi,iyada oo uu dhecaano badan soo daayo jidhku,kuwaas oo ah kuwa dabeecada xumeeya,gaar ahaana dheecaanka loo yaqaano Serotonin.
Marka laga yimaado in qofku ku dhasho dabeecada oo ka xumaata ,gaar ahaana inta uu caruurta yahay ,waxa iyaduna qoddob labaad ah oo keena inay dabeecadu qofka ka xumaato isaga oo la qabsada waxyaalaha daroogooyinka ah oo iyaguna xumeeya dabeecada.
Home Barnaamijyada Dabeecada Caruurta Oo Xumaataa Xidhiidh Intee Le’eg Ayay La Leedahay Waxbarashadda?