Shir Noociisu Ku Cusub Yahay Dalka Oo Maanta Hargeysa Uga Furmaya Danjireyaasha Somaliland

0
287

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shirre, ayaa faah-faahin ka bixiyey  shir  la  iskugu yeedhay safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka adduunka, oo maanta ka furmaya Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, kaasi oo lagu faaqidi doono qorshaha taabo-gelinta qadiyadda aqoonsi raadinta iyo sidii danjireyaasha loogu tabobari lahaa hawl-maalmeedkooda shaqo.
 
“Shirkani taariikhi ayuu u yahay Somaliland,  waxaana lagu falan qeyn doonaa sidii qorshe loogu dhigi lahaa aqoonsiga Somaliland doonayso  iyo si loo dejiyo qorshe hawleedka wasaaradda arrimaha dibadda,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu intaas raaciyay . “Kulan qaban-qaabadiisu  way iga horaysay in kasta oo markii dambe aan wax ka bedalay,  mudadiina aan dheereeyey, waxa uu noqonayaa kulan shan cisho socda, saddexdaa maamlood ee hore   waxaanu ugu tallo-galnay inaanu ku tababarno danjirayaasha shaqadooda, had iyo jeerna waxa  laysku magacaabaa jagooyinka iyada oo aan qofka lagu tababarin, tababar horena aanu lahayn taas oo wakhti ku qaadata intuu la qabsanaayo.labada cisho ee dambe  waxa la furi doonaa oo la falan-qayn doonaa siyaasadda arrimaha dibada ee Somaliland, labadaas maalmoodna  shirku ku ekaan maayo danjirayaasha oo kaliya ee waxaanu ka soo qeyb galin doonaa xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xisbiyadda qaranka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply