Giriiga Oo Isku Diyaarinaya Dib U Celinta Qaxoonti Soomaali Banadi Ku Jirto

0
332

Giriigga ayaa sheegay inuu dhawaan dib ugu celin doono dalalkii ay ka yimaadeen qaxoonti ay soomaali ku jirto, kuwaas oo uu sheegay in aanay xaq u lahayn inuu magan galyo siiyo. Waxa la sheegay in ay kumanaan qof oo magan galyo doon ahi ay gaadheen magaalada Athens, kaddib markii dib looga celiyey xudduudda Macedonia. Wasiirka socdaalka ee Giriigga oo lagu magacaabo Jannis Muzalas ayaa sheegay in dadka cusub ee magangalyo doonka ah ay tahay in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan muddo 30 maalmood ah, haddii kale dalalkoodii dib loogu celin doono. Goob cayaaraha Olympic-ga loogu tala galay oo ku taalla Athens iyo garoonkii dayaaradaha ee hore ee magaalada, ayaa loo isticmaalayaa goobo si kumeel loogu qaabilo ilaa 3,000 oo qaxooti ah. Dawlada Macedonia ayaa sheegtay inay ogolaanayso oo kaliya dadka muhaajiriinta ah ee ka yimi Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Leave a Reply