Siyaasi Iska Casilay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbiga WADDANI

0
326

Hargeysa  (Dawan):  Xoghayaha  siyaasadda ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamuud Raage Ibraahim,  ayaa shalay ku dhawaaqay in uu si rasmi ah isaga casilay xubin-nimadii iyo xilkii uu ka hayay xisbigaasi. Maxamuud Raage Ibraahim  oo ka mid ahaa  xubnaha ugu firfircoon ee  xisbiga WADDANI, isla markaana lagu tilmaami jiray in ay saaxiibo dhow yihiin guddoomiyaha xisbigaasi C/raxmaan Cirro, muddo dheerna ay soo wada shaqeeyeen.
 
Maxamuud Raage waxa uu    is-casilaadiisa  ku cadeeyay  qoraal uu shalay soo saaray, kaasi oo uu ku socod-siiyay una kala diray guddoomiyaha xisbiga, gudidda fulinta heer qaran ee xisbiga WADDANI, golaha dhexe ee xisbiga iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta, kaasi oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay wargeyska DAWAN.
 
Qoraalka uu Maxamuud Raage ku caddeeyay is-casilaadiisa, waxa uu si guud mar ah  ugu muujiyey inuu muran  iyo khilaaf    ka  aloosan yahay xisbiga dhexdiisa, waxaanu ku adkaystay  in aanu isagu doonaynin  inuu dhaawaco himiladiisa iyo rabitaankiisa, hase yeeshee uu   door biday inuu ka baxo xisbiga WADDANI. Qoraalkaasina isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:-
“Gudoomiye Waxaan kula socodsiinayaa in aan iska casilay xilkii Xoghaya Siyaasadda Xisbiga Waddani, Xubinimadii golaha dhexe iyo fulintaba, aniga oo aan jeclayn in aan dhaawaco himiladaada iyo hadafkaaga siyaasadeed. waxaan kula socodsiinayaa in aad u magacaabato xubin kuu buuxisa xilka Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani.  Waxaan  kaaga mahad celinayaa wada shaqeyntii mudadii koobnayd , waxaan kale oo u mahad celinayaa dhammaan walaalihii iyo asxaabtii aanu is baranay mudadii aan ka tirsanaa xisbiga waddani, waan ogahay in badan oo idinka mid ahi  dhibsanaysaan xil ka tegidan, laakiin waxa timi daruuf keentay in aan xilkan baneeyo. Runtii waa go’aan aad u adag laakiin waxay xal u noqonaysaa arrin muddo taagnaa oo dhinacna u dhici waayey.Waxaan Waddani iyo asxaabtaba u rajeynayaa guul . Waxaan kale oo sii wadan doonaa shaqadeydii in aan qaranka reer Somaliland u sii shaqeeyo inta suxulkaygu ciid ka sareeyo.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply