Ururka Shaqaalaha Rayidka Ah Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Kordhiso Mushaharka Hawl-wadeenadda Dawladda

0
591

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ururka xidhiidhka guud ee shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland Maxamuud Axmed Cabdi, ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay mushaharka  u kordhiso shaqaalaha, waxaanu sheegay in mushaharka ay qaataan aanu ahayn mid ku filan oo dabooli kara baahiyahooda.
 
Guddoomiyaha ururka xidhiidhka guud ee shaqaalaha rayidka ahi, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska DAWAN xalay, waxaanu sheegay in uu jiro sixir barar baahsan oo ka jira wadanka, taasina ay tahay ta keentay inaan mushaharka ay qaadanayaan aanu waxba ka tarin baahiyahooda nololeed.
 
“Shaqaalaha marka la  eego mushaharka ay qaataan waa mid aan kafeyn karayn noloshii, qofkii bishii laydh 15 dollar ah ayuu bixinayaa, iskuulkii intaas in leeg ayuu bixinaya ,gurigii 40 dollar ayuu bixinayaa qolkiiba ,caafimaakii sidoo kale iyo yoomkii uu reerku qaadanayay marka laga reebo waxyaabaha kale iyo waliba bas raaciisa. markaa sidaas darteed qofkii waxaa uu qaadanayo iyo howsha qofka u taalla ayaan is lahayn ee uu doonayo inuu ku kafeeyo mushaharka yar ee uu qaato. sidaas darteed, dawlada waxaanu leenahay waa inaad shaqaalaha aad hoos u eegtaan oo aad mushaharka u kordhisaan,”Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
 
 
Maxamuud Axmed waxaa uu sidoo kale Hay’adaha wadanka ka hawl gala ugu baaqay inay ilaaliyaan xaqa waashmaanada ilaaliya Hay’adaha, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo aanu leenahay Hay’adaha wadanka ka shaqeeya nimanka waashmaanada idiin ah ee ilaaliya Hay’adihiina waa in mushaharka aydun siinaysaan  u korhdisaan oo aad xaqooda iska ilaalisaan.  si ay wax uga tarto baahiyahooda  aasaasiga ah.”
 
Maxamuud Axmed  waxaa uu sidoo kale sheegay inay ka urur ahaan ay qeyb ka qaadanayaan dhismaha jidadka wadanka ka socda waxaanu yidhi “Dhismaha waddooyinka ka socda wadankana qeyb laxaadleh ayaanu ka qaadanaynaa hoo iyo hiilba, waanu la garab taaganahay dhisamaha wadankana qeyb weyn ayaanu ka qaadanaynaa ,dawladda waxaanu leenahay waa in ay sixir-bararka Somaliland ka jira ee seetada goostay ay wax ka qabato. ”
 
Gudoomiye Maxamuud isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Shaqaalahana waxaanu ugu baaqaynaa in ay ururadoodii shaqaale ee baahi nololeedkooda ay samaystaan, si ay kalmadoodu u socoto shaqalahana loo tixgaliyo, waxaanu  doonaynaa in ururadii shaqaaluhu ay noqdaan qaar sii jira si ay ururada shaqaaluhu ay xaflad u qabsadaan oo kaalmada shaqalaha iyo codka shaqaaluhuna uu u muuqdo , laakiin inta ay taasi maqan tahayna qeyb weyn ayaa shaqaalaha maqan.”
 
Dhanka kale waxaa uu gudoomiyuhu dawlada ku booriyay  in ay dhulka danta guud ah ay ururada shaqaalaha ka qeyb galiyaan si shaqaalaha loogu helo xafiisyo loogu adeego waxaanu yidhi “Waxaa aan dawladda u soo jeedin lahaa in shaqaalaha dhulka danta guud ah wax laga siiyo si ay xafiisyo uga dhistaan gobolka ay doonaan iyo degmada ay doonaan ha joogeene.”
 
 
Gudoomiye Maxamuud waxaa uu dawlada u soo jeediyay in ay xil iska saarto sidii ay wax uga qaban lahayd shaqaalaha ajaanibka ah ee wadanka ka hawl gala, kuwaasi oo qabta shaqadii ay muwaadiniintu qaban lahayd,  waxaanu yidhi “Dawladda waxaan ugu baaqayaa in ajaanibka shaqadii ummadan muwaadiniinta ah ee reer Somaliland qabsaday in ay wax ka qabato oo yaanay dawladdu u qaadan in shaqaaluhu iska hurdaane ha ogaato inay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan ilaalinta nabadgaliyada wadanka ,oo ay dawladdu wax ka qabato shaqaalaha ajaanibka ah ee Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa kaleba ku jira ee shaqada muwaadiniinta reer Somaliland ay qaban karaan haysta.”
By : Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply