Wasaaradda Ciyaaraha Oo Kulan Lagu Dar-dar Gelinayo Ciyaaraha Ku Qabatay Hargaysa

0
305

By: Khadar Cabdi Muuse
 
Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. C/laahi Faarax Maydhane, ayaa  shalay  hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa ka furay kulan  balaadhan oo lagu dar-dar gelinayo  sidii dalka looga qaban lahaa ciyaraha  goboladda.
 
Kulankaasi oo socday muddo hal maalin ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda ciyaaraha ayaa  lagu falan-qeeyay caqabadaha hor-taagan sidii loo dhamays-tiri lahaa wareegii afraad ee tartankii ciyaaraha goboladda, dhinacyadda dhaqaalaha, amaanka iyo dhex-dhexaadinta marka ay socdaan tartanka ciyaaaruhu.  Iyadoo  la iskula meel dhigay in ay lagama maar-maan tahay in la hello dhaqaale iyo jawi degan oo lagu qabto.
 
 
Waxaana kulankaasi  ka soo qayb galay wasiirka, wasiir ku xigeenka agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda duulsita iyo hawadda, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, rug-cadaayo iyo khubarro  aqoon u leh arrimaha ciyaaraha.
 
Sidoo kale waxaa kulankaasi  goob joog ka ahaa  xubno ka socday kooxaha ciidamadda booliska, asluubta, milateriga, shirkadaha ganacsiga, masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo ururadda maxaliga ah eek a shaqeeya arrimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha.
 
Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska C/laahi Faarax Maydhane, oo gebagebadii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa  uga mahad naqay dhamaanba masuuliyiintii kala duwanaa ee kulankaasi ka soo qayb galay.
Waxaanu yidhi “Waxaan idiinka mahad naqayaa in aad kulankani nagala soo qayb gashaan, oo aad soo aqbasheen casuumadii aanu idiin fidinay, aad iyo aad ayaan idiinkaga mahad naqayaa, ka wasiir ahaan iyo ka wasaarad ahaanba”.
 
Wasiirku waxa kale  oo uu sheegay  in isaga iyo  wasiir ku xigeenkuba ay wasaaradda ku cusub yihiin, hase yeeshee ay go’aan sadeen in ay ku dedaalaan sidii ay u heli lahaayeen talooyin  ku waajahan sidii  loo hir-gelin lahaa ciyaaraha, isla markaana sababta kulankaasi u qabteen ay tahay sidii ay xog ururin iyo tallooyinba uga heli lahaayeen khubaradda dhainaca ciyaaraha.
“Aniga iyo wasiir ku xigeenkuba waanu ku cusub nahay wasaaradda, laakiin saaxiibadayadda hore ee wasaaradda  sii joogay  tallo ahaan waxaanu is-la gaadhnay  in aanu u baahana hay taladiina iyo tusaalihiina,  iyo sidii aad wax noogala qaban lahaydeen in aanu idiinka baahanahay.
Sidaas darteed  waa qorshahaasi sababta aynu maanta (shalay) halkan isugu nimid. Dhamaanba xidhiidhadda kala duwan ee ciyaaraha iyo kooxaha iyo shirkadaha  ganacsiga ee had  iyo jeer  naga taageerra  dhaqaalaha ciyaaraha.
Hay’adda UNFPA iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee iyagna naga taageerra dhinaca ciyaaraha, ururadda bulshadda rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha, dhamaanba khubaradda iyo aqoon yahamiinta ciyaaraha, dhamaantiinba si weyn ayaa idiinku mahad naqayaa” ayuu yidhi wasiir Maydhane.
 
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (dhabeeye), oo isna kulankaasi hadal ak jeediyay ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan farxad weyn u tahay in ay kulankaasi qabtaan.Waxaanu yidhi “Ka wasaarad ahaan kulankan (maanta (shalay) qiimo weyn ayuu noogu fadhiyaa, waxaananu u mahad naqaynaa ka soo qayb galeyaasha heer kasta oo ay yihiin. Wasiirka iyo wasiir ku xigeenkana waan uga mahad naqayaa.”
 
 
Agaasime Dhabeeye, ayaa sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad naqay wasiirka maaliyadda oo uu sheegay in ay miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2016-ka ugu dartay wasaaradda ciyaaraha dhaqaalaha lagu qabanayo ciyaaraha sanadka danbe. Sidoo kale waxaa kulankaasi hadallo ka jeediyay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday hay’adaha caalamiga ah iyo ururadda maxaliga ah eek a sahqeeya arrimaha dhlainyaradda iyo ciyaaraha, kuwaasi oo dhamaantoodba ka waramay fa’iidadda ciyaaraha iyo sida loogu baahan in la horumariyo qaybaha noocyadda kala duwan ee ciyaaraha.
 
Kulankaasi ayaa intii uu socday waxaa la isku waydaarsaday fikraddo iyo tallooyin la xidhiidha sidii loo dhiiri-gelin lahaa ciyaaraha, isla markaana la isku bar-bar taagi lahaa horumarinta qaybaha kala duwan ee ciyaaraha.

Leave a Reply