By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Ibraahin Sh. Maxamuud Xirsi, ayaa waxa uu noqday xildhibaankii ugu da’ada yaraa ee ka mid noqda Golaha Guurtida Somaliland. ka dib markii uu buuxiyay kursigii xubnimadda aqalkaasi ee uu ka geeriyooday aabihii oo la odhan jiray Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax.
Xildhibaankan cusub ayaa waxa uu ka soo xaadiray shalay fadhigiisii ugu horeeyay ee uu kaga mid noqday Mudaneyaasha Golaha Guurtidda.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Golaha Guurtida ay ku jiraan dhalinyarro badan, balse uu isagu hadda yahay xildhibaanka ugu da’ada yar,waxaanu yidhi “Inkasta oo ay xildhibaanno dhalinyrro ahi, Golaha hore ugu sii jireen haddana waan odhan karaa anigaa ugu da’a yar. Dareenkaygu aad buu u fiican yahay, ka mid ahaanshaha Golaha Guurtida aad baan ugu faraxsanahay. Waxaan aad ugu mahad celinayaa shir-gudoonka Golaha, Guurtidda iyo xildhibaanada golahaas oo si fiican iigu soo dhaweeyay aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland.”
Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa uu guud ahaan xildhibaanada fadhigii shalay ku war-galiyay in uu Golaha ku soo biiray xildhibaan cusub,