Turus-kii Birta Ahaa Iyo Bacihii Gaadiidka Laga Jarayay Oo Labaduba Fashilmay Iyo Awaamiir Wasiirka Daakhiligu Soo Saaray Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday

0
405

Hargeysa (Dawan):-Turuska birta ah ee  Wasiirka  Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Waran-cadde, amarka ku bixiyay shan billood iyo  17 maalmood ka hor,  in laga jaro  Baabuurta waaweyn sida Booyadaha, iska-rogooyinka, Gaadiidka  xamuulka qaada  iyo basaska, ayaa fashilmay oo aan sidii loogu tallo-galay u dhaqan gelin, taasina waxay sababtay in gaadiidka qaar ay weli leeyihiin  Turuskii lagaga mamnuucay. Halka kuwo kalena ay samaysteen baangado dhaadheer oo khasaarahoodu ka xun yahay  Turuskii Baabuurta laga furayay.
Wasiirka Daakhiligu waxa uu qaraarkaas u soo saaray si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha shilalka gaadiidka, kadib markii la ogaaday in baabuurta  Turuska weyn leh, marka shilku dhaco ay khasaare balaadhani ka dhasho birta dheer ee ay afka hore kaga xidheen baabuurtooda.
Wasiirku waxa uu go’aankaas kaga dhawaaqay aas loo sameeyay  saddex qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay jidka laamiga ah ee u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera oo ay ku naf waayeen ALLE ha u naxariistee Agaasimihii hore ee qorshaynta  wasaaradda Maaliyadda Marxuum-Weli Daa’uud Cigaal, Marxuum- Maxamed Daa’uud Yuusuf  oo ahaa  ka tirsanaa sawir qaadeyaasha HCTV iyo  marxuum-Muuse Cali Haybe oo ka mid ahaan jiray askarta  wasaaradda maaliyadda oo 29/06/2015 lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee Barriga Magaaladda Hargeysa.
 
 
Go’aankii  Wasiirka Daakhiliga
 
“Baabuurtaasi gardarrada iyo fool-xumada ay sameeyaan waxaa  ka sii daran xagga hore waxay ku xidheen Birr weyn oo sidii cagaf-cagafta oo kale ah,  oo ay dadka ku jiidhaan.  Xagga  dambena mid aan looga soo dhawaanin ayay ku samaysteen, taasna waxaan leeyahay dib loo aqbali maayo. Ciidanka Nabadgaliyada Waddooyinka waxaan farayaa  laga bilaabo 29/06/2015   si deg-deg ah inay labada dhinacba ka jaraan turusyada gawaadhida ku samaystay xagga hore iyo xagga dambeba, maalin dambena aannu marin karin magaalada gaadhi tursi leh,” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Daakhiligu,
 
Waxaanu  amarkiisa ku sii xoojiyay “Waxa muuqata dadka waddada isticmaala, gaar ahaan kuwa wata booyadaha iyo Iska-rogooyinku inay yihiin dad qayrul-masuula.”
 
Isla dharaartaasba waxa Wasiir Waran-cadde uu dhaliilay ciidanka ilaaladda waddooyinka oo uu farta ku goday inay tamar daran yihiin, waxaanu yidhi “Arrintaas waxaan canaanteeda dusha ka saarayaa ciidammada Waddooyinka oo aan u arko iyaga laftoodu inay aad u tamar daran yihiin.”
 
Wasiirku waxa uu bayaamiyay ciqaabta ay tahay in la mariyo gaadiidleyda amarkaas dhegaha ka furaysata, waxaanu yidhi “Waxaan amar ku bixinayaa intaan gaadhiga lagaa xarayn in nin waliba geerash geeyo oo uu hadda ka sii jaro turusyadaa wixii 29/06/2015 ka dambeeyana gaadhiga waa laga dhigi doonaa, waxaana la saarayaa ganaax weyn oo aanay qaadi karin gadiidleydu, hadday u hoggaansami waayaan amarkaas Wasaaraddu farayso.”
 
Maxaa La Qabtay Shan  Bilood  Kadib?
 
Shan bilood iyo dheeraad ayaa laga joogaa markii amarkaas xukuumaddu soo saartay, mudadaas waxa la qaaday hawl-galo turuska lagaga jaray gaadiid badan, hase yeeshee tobaneeye maalmood ka dib waxa wareegtadaasi noqotay hal bacaad lagu lisay. Markii ciidankii nabad-gelyadda waddooyinku ay joogteyn waayeen fulinta wareegtadaas. waxa dhacday in gaadiid badan oo iskood u fuliyay qaraarkan  ay halkii turuska ay ka fureen ay u daayeen laba baangadood oo dhaadheer oo ka halis iyo khatar badan turuskii laga hor-tagayay. Hase-yeeshee magaaladda  Hargeysa waxaa  lagu arkaa gaadiid iskugu jira Booyado, Basas iyo Gaadiidka kale ee xamuulka qaadda  oo jidadka faras magaalaha dhex maraya iyagoo la baxay laba baan-gadood oo waaweyn oo halis ku ah dadweynaha iyo gaadiidka kale labadaba.
 
“Markii aan ka furay Turuskii labadii baan-gadood ee Turusku ku fadhiyay ayaa saaxiibaday  igula talliyeen inaan ka dhursago, waayo waxaa  dad badani aaminsan yihiin in ololahaasi uu hadda u eg yahay mid meesha ka sii baxaya,” sidaas waxa  yidhi mid ka mid ah gaadiidka xamuulka qaadda oo aanu weydiinay sababta uu fulin waayay amarkii xukuumadda.  Waxaanu intaas ku daray “Waxaanse diyaar u ahay inaan jaro haddii ciidammada nabad-gelyadda waddooyinku ay hawl-galkan dib u soo  qaadaan.”
 
Tirro-koobka Shilalka Sannadkan 2015
 
Warbixin ciidanka Boolisku soo saaray 3-dii bishii  November ee saandkan 2015 oo ay ugu dabaal-degayeen sannad-guuradoodii 22-aad ayay kaga dayriyeen in shilalka gaadiidku ay sannadkan aad uga badan yihiin 2014-kii. “Shilalka gaadiidka ee dalka ka dhacay sannadkan 2015.  Waxay   noqdeen 2009 shil, inta qof ee ku dhimatay waa 119, inta qof ee ku dhaawacantay  waa 1,714 (kun, toddoba boqol, afar iyo toban), inta gaadiid ah ee khasaare gaadhay waxay tahay 1,383, (kun, saddex boqol, siddeetan iyo saddex), khasaaraha xooluhu waa 2,235, khasaaraha dhismeyaasha  gaadhayna waa 144  dhisme,”ayaa lagu yidhi warbixintaasi oo xafladii lagu soo bandhigay uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Warbixinta Boolisku waxay sababeysay qoddobada dhaliyay shilalka batay oo ay  sheegeen inay ugu muhiimsan yihiin masuuliyad darrada wadeyaasha baabuurta. “Sannadkii 2014 shilalku waxa ay ahaayeen 1,979 shil, halka ay sannadkan 2015 ka noqdeen 2009 shil, waxa ay sare u kaceen 34 shil. waxa sal u ah oo shilalka gaadiidku u kordheen gaadiidka oo maalin walba soo kordhaya, masuuliyad-darrada ay wadayaashu leeyihiin, xawaaraha gaadiidka oo aad u dheeraynaya.”
 
Hawl-galkii Bacaha Lagu Xidho Muraayadaha Daaqadaha Baabuurta:
 
Geesta kale, waxa isna sida taas  si la mid ah aan sidii loo qorsheeyay aan u fulin hawl-gal bacaha beersosha ah lagaga jarayay Gaadiidka oo uu dabo-yaaqadii bishii September ku dhawaaqay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.  Hawl-galkaasina waxa uu ku hagaasay laba toddobaad wax ka yar. Iyadoo mudadii uu socday Baabuur badan lagaga rifay bacaha madow, hase yeeshee  waxa dhacday in isla maalintii laga jaray-ba ay dadka qaarkood gelinkii dambeba ku xidheen baco cusub. Hawl-galka bacaha madow ka dhanka ahaa waxa uu wax weyn ka tari lahaa sugida ammaanka, iyadoo uu ciidanka booliska u saamixi lahaa inay si fudud u aqoonsadaan xilliyada habeenkii dadka wejiyada dadka wata gaadiidka yar-yar  oo bacahani u suurto gelin karaan inay qaadaan badeecado kootarabaan ah ama noocyadda maandooriyeyaasha kala duwan.
Lama garanayo waxa amarka Taliyaha Booliska  isna fashiliyay, waxase dadka arrintan la socday ay ku doodayaan in dhammaan amarrada ka soo baxa dawladdu ay u guul daraystaan dabo-gal la’aan.
 
Gunaanad
 
 
Xukuumadda Somaliland waxa  horyaalla inay ficil u bedasho awaamiirta ka soo baxa xafiisyadda kala duwan ee laamaha dawladda isla markaana laga waantoobo in go’aamadda dawladda ka soo baxayaa ay noqdaan qaar shir kaga kac ah oo aan la fulinaynin. Waxaana loo baahan yahay in ciidammadda nabad-gelyadda waddooyinku ay iska xil saaraan labadan mawduuc ee aan ka soo hadalnay,  si  aanay u dhicisoobeen. Iyadoo dadweynuhu ay u hoggaansan yihiin dawladooda, hase yeeshee ay arkayaan in aanay laamaha dawladdu ka dhabaynaynin go’aamadda ay soo saaraan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply