Software Cusub Oo Runta Iyo Beenta Lagu Kala Sooci Karo Oo Lasoo Saaray

0
284

War saxaafadeed ay soo saareen cilmibaadheyaasha jaamacadda University of Michigan ayaa lagu sheegay in khubaro u dhalatay wadanka Maraykanku soo saareen Software cusub oo sheegaaya ama awood u leh inuu sheego in qofkaasi been sheegaayo iyo inuu run sheegaayo.
Khubaradan ayaa software kaasi ku tijaabiyey Laboratory ,iyada oo ku xidhay computer halkaasi yaala,waxaanay sheegeen in uu xisaabinaayo qalabkani kelmadaha iyo sidoo kalena dhaq dhaqaaqa qofku samaynaayo,iyada oo lagu lagu shubay kelmado badan oo ah kuwa ay dadku been ahaanta u sheegaan.
Culimadan ayaa sheegay in qalabkan laga yaabo inuu sheego waxyaalo saxa 75% waqtigan,iyada oo la doonaayo in lagu daro inta kale ee hadhay,waxaanay sheegeen inuu waqtigan ku jiro tijaabooyin,iyada oo la eegaayo waxyaalaha ka dhiman ee loo baahan yahay in lagu daro .
Muqaal laga sameeyey tijaabadii qalabkan ayaa lagu tijaabiyey ilaa 120 kiis oo ah kuwo ay galeen dambiileyaal waaweyn oo caalami ah,iyada oo la donaayey in qofka dembiilaha ah laftigiisa lagu soo saaro,waxaanay tijaabo ku sameeyeen dad tiro badan.
Culimadan ayaa intii ay samaynayeen daraasadan waxay ku saleeyeen dhaq dhaqaaqa qofka,kelmadaha,afka inta jeer ee uu dhaqaaqo,gacmaha,indhaha iyo waxyaalo kale,waxanaay sheegeen inay ku guulayteen in uu qalabkaasi ogaan karo in qofkaasi been sheegaayo iyo inuu run sheegaayo 75% ,halka ay doonayaan inay inta kalena ku daraan oo ay qaadato shaqadaasi inta hadhay.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply