Khubarada Caafimaadka Oo Daraasad Ay Sameeyeen Ku Sheegay In Sannadaha Soo Socda Ay Yurub Ku Badan Doonto Xalada Xanuunka Aasaasaqu

0
376

Khubarada caafimaadka ee maxadka Institute of Alzheimers ayaa daraasad ay dhowaan soo saareen ku sheegay in sannadaha soo socda ay dhici karto inay bataan dadka asaasaqu ku dhacaa qaaradda Yurub meelo badan oo kamid ah,sida ay muujisay daraasadaasi ay sameeyeen oo ay soo saareen natiijadii kazoo baxday.
Kooxda culimada caafimaadka ah ayaa sheegay in laga yaabo in dadkaasi ay ka saddex jibaar maan inta ay iminka yihiin,taas oo ay saamayn ugu badan ku sheegeen cimilada is bedelaysa waqtigan oo marba marka ka dambaysa sii xumaanaysa.
Khubarada caafimaadka ayaa hore u aaminsanaa in uu xanuunkani yahay mid iska dabiici ah ,iyada oo waqtiyadan dambe la ogaaday in xanuunkay ay sidoo kale keeni karaan waxyaalaha cimiladu kamidka tahay ,sidoo kalena lagu arkay qaarada Yurub dad da’ahaan yar yar oo uu xanuunkani haleelay,kuwaas oo da’doodu ahayd 20 ilaa 30 sanno jir.
Dadka xanuunkani hayo ayaa la sheegay inay gaadhayaan ilaa 900 million,kuwaas oo ku kala nool caalamka ,dadka ayaa la sheegay in da’doodu u dhaxayso ilaa 30 ilaa 60 sanno,una badan yihiin da’da 60 sanno.
Xanuunkan dadka qaba ayaa la filayaa inay sannadka 2050 gaadhaan ilaa 47 million ,gaar ahaan kuwa da’ahaan jira 30 sanno,halka kuwa kalena ay intaasi ka badan doonaan,iyada oo xanuunkan dadka qabaa u badan doonaan wadamada Fuqarada ah 239%.
Xanunkan ayaa ah xanuun lumiya waxgarashada dadka,isaga oo keena in aanu qofku waxba kala garan .
 

Leave a Reply