Caruurta Xasaasiyada Leh Oo La Sheegay Inay Halis U Yihiin Xanuunada Wadnaha Ku Dhaca

0
2038

Culimada caafimaadka ayaa sheegay in caruurta xaasasiyada lihi ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco wadne xanuun,iyaga oo kala qaadi kara iyaga laftoodu.
Daraasad ay dhowaanahan wadeen kooxdaasi oo ka socotay jaamacadda North Western oo ku taala magaalada Chicago ee wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in caruurta xasaasiyada lihi ay khatar u yihin inay qaadaan sidoo kale wadne xanuun,iyada oo daraasan tijaabo iyo baadhitaano lagu sameeyey caruur gaadhaysa ilaa 13,000 oo caruur ah,kuwaas oo da’ahaan u dhexeeyey 17 sanno iyo wixii ka hooseeya.
Marka loo eego natiijada kazoo baxday daraasadan ayaa sheegay inay jiraan marka laga yimaado Elerjiga in ay sidoo kale caruurtu kala qaadi karaan Xiiqda ,iyaga oo labadaba ka qaada waxyalaha dhirta kazoo duula ee loo yaqaano Pollen-ka,kuwaas oo iyaguna ugu dambayn keeni kara wadnexanuunka.
Natiijadan ayay ku sheegeen kooxdan cilmibaadheyaasha caafimaadka ahi in inta ugu badan xanuunada ay dhakhaatiirtu ka helaan caruurta oo ay u badan yihiin wadne xanuunku ay ka noqdaan kuwo ay ka dhashaan xasaasiyada iyo waxyaalaha dhirta kazoo duula,kuwaas oo ay hadhow adkaato in la daweeyo.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in waxyaalaha dhirta kazoo duula ee Pollen ka loo yaqaanaa in ay yihiin kuwo sababa xanuunada xiiqdu kamidka tahay,iyaga oo waalidka kula taliyey in caruurta laga fogeeyo dhirta laga helo.

Leave a Reply