Rwanda: Oo Cod Loo Qaadayo In Paul Kagame Uu 3 Goor Oo Dambe Isa Soo Sharixi Karo

0
421

Dadka Rwanda ayaa u dareeray goobaha cod bixinta si ay ugu codeeyaan afti is-beddel ku samayn doonta dastuurka dalkaas, taas oo u madaxweyne Paul Kagame u ogolaan doonta inuu ugu yaraan 3 jeer oo kale isku sharixi karo madaxweyne-nimo. Codbixintan ayaa waxa ay dalbanaysaa ansixin ku saabsan isbaddal waqtiga xilka madaxwaynaha ku soo gaabinaysa 5 sano, ayada oo iminka ay tahay 7 sano. Hase yeeshee is-beddelkan ayaa waxa la sheegay in uu si gaar ah ugu ogolaanayaa madaxweyne Kagame inuu mar saddexaad xilka qabto muddo toddobo sano ah, kadibna laba goor oo kale oo min shan sano ah.
Sharciga iminka ka jira dalka Rwanda, ayaa qasab ka dhigaya in Kagame uu xilka ka dego dhammaadka sanadda 2017. Haddii aftida la ansixyo, sida la filayo, islamarkaana Kagame uu doorashooyinka soo socda ku wada guuleysto waxa uu xukunka sii hayn karaa illaa sanadda 2034. Dadka Rwanda ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa aftida u codeeyey khamiistii. Kagame oo 58 jir ah, kana soo jeeda qowmiyadda Tutsi-ga, ayaa hoggaaminayey ciidamadii mucaaradka ee soo afjaray xasuuqii Rwanda ka dhacay 1994-kii, islamarkaana xukunka ka tuuray xagjiriintii Hutu-ga. Kagama ayaa waxa uu ahaa madaxweyne ku-xigeen iyo wasiirka gaashaandhigga inta u dhaxaysay 1994-kii ilaa 2000, markaasi oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Pasteur Bizimungu. Waxa uu madaxwayne noqday sanaddii 2000 kadib is-casilaaddii Bizimungu. Si aad ah aay looga jecel yahay gudaha dalka Rwanda, hase ahaatee kuwa dhalleeceeya ayaa ku eedeynaya inuu caburiyo xoriyadda hadalka, aanu wax dul qaad ah u lahayn in la mucaarado.
Maraykanka iyo midowga Yurub ayaa waxa ay taxaddar ka muujiyeen in u ogolaanshaha Kagame inuu xukunka sii hayo ay waxyeeleyn karto dimuqraadiyadda. Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa bishii tagtay sheegtay in Kagama ay tahay inuu xilka kaga dago sidii qorshuhu ahaa, si taasi ay u caawiso soo bixitaanka hogaamiyayaal cusub oo Rwanda ay yeelato. Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ee hadalka sheegay, Mark Toner, ma uusan shaacin tallaabooyinka Maraykanka uu qaadi doono, haddii Kagame uu isku dayo inuu xukunka sii hayo. Dadaallada hogaamiyayaal badan oo Afrikan ah ay ku doonayeen inay xukunka ku dheeraystaan sida dalalka Burkina Faso, Burundi iyo Senegal ayaa horseeday rabshado uu dhiig ku daatay.

Leave a Reply