QM: Oo Isku Raacay In Xayiraad Dhaqaale Lagu Soo Rago Kooxda ISIS

0
388

Wasiirada Maaliyadda oo  ka kala socda 15-ka dal ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay qaraar looga gol leeyahay in lagu jaro dhaqaalaha kooxda Daaxish.
Qaraarkan ayaa waxa la sheegay in salka ku hayo, mid la mida oo golahani meel mariyay sannadkii 1999-kii,  kaasi oo lagu bartilmaameed sanayay kooxda jihaadiga ee Al-qaacidah. Qaraar kan la mid ah ayaa bishii Febraayo ee sanadkan waxaa meelmariyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse diblumaasiyiinta ayaa waxa ay ka cabanayeen in si joogta ah loogu xadgudbay qaraarkaasi. Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, oo lagu magacaabo Jack Lew, oo hadal jeediyay kaddib codka loo qaaday qaraarkaasi ayaa sheegay in wadammadu ay tahay in ay mideeyaan dadaaladooda haddii la doonayo in qaraarkaasi uu noqdo mid wax ku ool ah.
 

Leave a Reply