Xafladaha Arooska Raha ee Hindiya

0
369

Si ay u heelaan roob ayay dadka degan magaalada  “Batkhal”   ee  gobolka “Maharashtra” Indian oo ah deegaan sabool ah ayay wadaadada Hindiga ah iyo saaxriintu qabtaan xaflad loogu magic daray arooska rahah.
Sida y baahisay shabekeda CBC ee Maraykanka Wadaadada Hinduuska ayaa akhriya caadooyinka Hindus, iyagoo marka danbe ku dhawaaqa inay isu guuriyeen Raha lab iyo kan dhediga , iyagoo halkaasi ay ku sugan yihiin kumanaan ka mid ah dadka magaalada. Kani ayaa ah dhaqan muddo dheer ay Hindida ku soo dhaqmaysay si ay u helaan roob.
Kooxda xafladda maamulaysa ayaa Raha lamaanaha arooska ku soo qurxiya ubaxyo una soo marayia saliid huruud ah oo ay aaminsan yihiin inay tahay mid muqadas ah oo xidhiidh la leh saadaasha mustaqbalka wanaagsan, wakhtigaasi oo wadaadadu ay  akhriyaan nusuus diin u ah oo ay sheegaan inay ugu ducaynayaan lamaahan isla markaan ay khayr kuwada noolaadaan. Intaasi ka diban dadka ka soo qayb galay arooska waxay daawadaan filimo Hindi ah oo can ah iyo heeso iyagoo goobta arooska jooga.
 

Leave a Reply