Xukuumadda Niger Oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku-Day Afgambi Oo Lala Maaganaa

0
361

Madaxweynaha Dalka Niger, Mahamadou Issoufou ayaa sheegay in la fashiliyay afgambi la doonayay in xukuumadda uu hogaamiyo la rabay in lagu af gambiyo. Madaxweyne Issoufou ayaa waxa xukunka loo doortay sannadkii 2011-kii, kaddib hal sano markii uu ka dhacay dalkaas af-gambi, isagoo ku guuleystay doorashooyinkii dalkaas laga qabtay 21-kii bishii Feberaayo ee sannadkan 2015-ka, inkastoo xisbiyada mucaaradka ahi ay ka soo hor jeesteen guushiisa. Sidoo kale, madaxweynaha Niger ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka dalkiisa wuxuu ku sheegay in isku-dayga afgambi ee fashilmay ayaa waxa la sheegay in  uu ahaa mid qorsheysan, balse laga hortagay, gacantana lagu dhigay mid ka mid ah xubnihii hormuudka u ahaa isku daygaas.
“Xukuumaddu waxay fashilisay isku-day afgambi oo la doonayay in dalka lagu burburiyo. Ma garanayno ujeedka ay lahaayeen shaqsiyaadkii afgambigaan ka dambeeyay iyo dhiirri-gelinaysay. Balse waxay doonayeen inay af-gambiyaan xukuumad si dimuqraaddi ah lagu soo doortay,” ayuu yidhi madaxweyne Mahamadou Issoufou.
Dalka Niger oo ku yaalla Galbeedka qaarada Afrika ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ka qayb qaata hawl galada dagaal ee lagula jiro kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, oo ka dagaalanta Nigeria oo ay daris yihiin Niger.
 
Dhanka kale, Xukuumadda Niger ayaa waxay xaalad deg-deg ah gelisay gobolka ku yaalla Koonfur-bari ee dalkaas oo lagu magacaabo Diffa, kaddib markii Boko Haram ay ka gaysateen weerarro xudduud-ka- dalkaas sannadkan.
Wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada Jerdarmaariiga ee waddanka Niger ay xabsiga dhigeen afar sarkaal oo ka tirsan millateriga dalkaas salaasadii todobaadkii hore, kuwaas oo xukuumadda Niger ay ku eedeysay in ay dalkaas ka wadeen qalalaase.

Leave a Reply