Xukuumaddu Way Ka Hor-Tagaysaa Kooxaha Rabshadaha Iyo Qaska Kawada Itoobiya’ Raysal Wasaare Desalagn

0
376

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan dad uu sheegay inay dalkiisa ka wadaan dibadbaxayo rabshado wata. Hailemariam Desalagn oo la hadlayay warbaahinta ayaa xusay dadka dibadbaxa dhigaya ay ku jiraan kooxo fawdo-wadayaal ah, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay gubeen xarumo dawladeed iyo hanti dadweyne oo badan.
“Waan la soconaa kuwa fawdo-wadayaasha ah inay dileen xoogaga amniga, isla markaana gubeen xarumaha dawladda iyo hantida dadweynaha, waxaanan ku qaban doonnnaa gacan bir ah,” Ayuu yidhi Mr. Hailemariam Desalagn. Sidoo kale, Desalagn ayaa waxa uu xusay in dawladda ay gudanayso waajibeedka, isla markaana ay ixtiraamayso dastuurka u yaala dal waynaha Itoobiya, isagoo sheegay in xukuumaddiisa iyo shacabka ay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah kooxaha qaska wada. Bannaanaxyo waaweyn ayaa tan iyo bishii hore ka socday gobolka Oromiya oo ka tirsan sagaalka is-maamul goboleed ee dalka Itoobiya, iyadoo dibadbaxyadan ay ku dhinteen tiro badan oo shacab ah, inkastoo xukuumadda dalkaas ay sheegtay in shan ruux ay ku dhinteen dibadbaxyadan.
Dibadbaxyadan ayaa waxay ka billawdeen go’aan ay dawladdu ku sheegtay inay ku balaardhinayso magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Balaadhinta caasimada ayaa waxay ku fidaysaa qaybo ka mid ah gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, balse shacabku ay diideen arrintaas. Ha’yadda lagu magacaabo Amnesty International ayaa ku eedeysay Xukuumadda Itoobiya inay dishay ugu yaraan 40-qof oo shacab ah intii ay socdeen dibadbax-yada ka dhacaya gobolka Oromiya.

Leave a Reply