Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Socdaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ee Buuhoodle Iyo Dullucda Farriin Ay U Dirtay Maamulka Garoowe

0
283

Hargeysa(DAWAN):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay socdaalka uu Buuhoodle ku yimi Madaxweyne ku-xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland C/Xakiim Cabdilaahi Cumar Camey  oo maalintii khamiistii la soo dhaafay  gaadhay Magaaladda Buuhoodle.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Maxamed Muuse Diiriye  ayaa sheegay in socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ku joogo Buuhoodle  ay ujeedadiisu ay tahay socdaal  uu ku soo gaadhay tacsida geerida hooyadii,waxaanu intaa ku daray in ay la socdeen imaanshiyihiisa isla markaana nin geeriyaysan aan loo diidi karin in uu tacsida  hooyadii yimaaddo.
Wasiir ku-xigeenka Amnigu waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN. Mr. Maxamed Muuse Diiriye oo aanu weydiinay sababta keentay in Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland yimaado Buuhoodle, waxaanu yidhi  “Horta ninkaasi wuxuu u yimi Buuhoodle waxay ahayd Geerida Hooyadii oo ku dhimatay Buuhoodle in uu yimina waanu ognahay oo waa lala socday nin hooyadii dhimatayna lagama joojin karo tacsida hooyadii.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal aanu  waydiinay saamaynta uu socdaalkiisu ku yeelanayo deegaanka,ayaa ku jawaabay. “Horta saamayn way ku yeelanaysaa oo deegaankaa muran baa ka jira oo qolada Puntland ayaa hab qabiil ku sheegata laakiin dal ahaan iyo dad ahaanba waa Somaliland xuduudka Somaliland-na maaha mid qabiil iyo reernimo ku dhisan  laakiin waa dal soohdimihiisu ay yihiin  caalami waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee Gumaysigii Afrika. Markaa dalka Somaliland waa dal soohdimihiisa sharciga ah  leh, mana ogolaan doono in dalka Somaliland dal kale ku soo xad-gudbo. Midda kale Buuhoodle dal iyo dad ahaanba waa Somaliland, Ninkaasina wuxuu u tagay geerida hooyadii dadka deegaankuna way ogyihiin halka ay ka tirsan yihiin oo ah Somaliland. Buuhoodle markii horena waxay ka tirsanayd oo ay ka mid ahayd gobolka Togdheer Markii dambena  Gobol gaar ah ayay Somaliland ka dhigtay oo la yidhaahdo Buuhoodle. Lama dafiri karo in wali muran ka taagan yahay oo Puntland iyo qolada la baxday Khaatumo-ba ay sheegtaan laakiin dhulkaasi waa dhul Somaliland ah.”
Wasiirka oo ka jawaabayay waxa ay u hawl-gelin waayeen Maayarkii iyo badhasaabkii Buuhoodle oo Hargeysa ku sugan, waxaanu yidhi   “Hawl shaqo ayay u yimaadeen Guddoomiyaha  Gobolka iyo Maayarka Buuhoodleba, imikana way u dhammaatay hawshoodii  dhakhsana way u noqonayaan waanay tegayaan  Maamulka Gobolka iyo ka Degmaduba si sax ah ayay u hawl-gelayaan  dhakhsona way u gaadhayaan deegaanka.”
 
“Puntland waxaan leeyahay ku ekaada deegaankiina,   kana fogaada in aad isku daydaan in aad u soo han-qal taagtaan dhulka Somaliland. Somaliland cidna cadaw kuma ah waxaanay diyaar u tahay in ay darisyadeeda oo dhan kula noolaato nabad iyo ood wadaag laakiin cidna kama yeelayso uguna dul qaadan mayso in ay ku soo xad-gudbaan taako ka mid ah dalka iyo dadka Somaliland,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Amnigu.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply