Kooxo Diyaariyey Waraaqo Loo Diraayo Dadka Noolaan Doona Sannadka 2957-ka

0
342

Kooxo khubaro ah aya helay xili ay baadhitaano ku jireen waraaqo tiro badan oo loo diraayey dadka noolaan doona sannadka 2957-ka,kuwaas oo ay diyaariyeen dadka ku nool magaalada Boston ee wadanka Maraykanka.
Khubaradan oo ka socotay jaamacadda Massachusetts Institute of Technology,xili ay meelo waxyaalaha dhismaha ah lagu sameeyo ku samaynayeen baadhitaano looxaanta ah  ayay heleen waraaqahan oo ku jiray quraarado kala duwan,kuwaas oo ay ku qornaayeen waxyaalo kala duwan oo fariimo ah siday sheegeen khubaradani.
Dadka loo diraayo waraaqahan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa deganaan doona magalaadan sannadkaasi 2957-ka,kuwaas oo looga waramaayo taariikhaha ay soo martay magaaladani iyo waxyaalah loo baahan yahay in lagu kordhiyo ama la casriyeeyo ee waqtigan jira.
Waxa kale oo loogu qoray waraaqahan dadkan sida ay magaaladan ugu nool yihiin waqtigan dadka ku nooli,iyaga oo waraaqahaasi mariyey walaxda lagu magcaabo Carbon Isotope (C 14),waxaanay dhigeen meel taariikhi ah oo la dhisay 15 June 1957 kii.
Fariinta ugu horeysa ee lagu qoray waraaqahan ayaa ah “Waa Inaad Furtaan Waraaqdan Iyo Quraaradan  15 June ee sannadka 2957”.
Quraaradahan waxa furay oo eegay waxyaalaha ku qoran madaxa maxadkaasi James Killian iyo Professor Jarold Edgerton oo isna dhinaca Electric-ga u qaabilsan maxadkaasi,waxaanay dib ugu aaseen waraaqahaasi iyo quraaradihiiba bartii hore loogu aasay ee ay kazoo saareen.
Waxyaalaha kale ee quraaradahan la raaciyey ayaa ay kamid yihiin lacago ,waxyaalo cilmibaadhiso iyo sidoo kale warbixino dheeraada.

Leave a Reply