Huteelada Lagu Iibiyo Hilibka Iyo Dhiigga Masaska

0
413

Dalka Indoniisiya makhaayadaha ay ku macmiilka u yihiin dadka u dhashay Shiinaha ayaa sameeya cuntoooyin hilib ah oo ay ka diyaariyeen Abaasooyinka iyo masaska waaaweyn.  Dadka Shiinaha ee huteeldan wax ka cuna ayaa aaminsan in hilibka abeesooyinka iyo  masaska waaweyni uu yahay mid aad muhiim u ah.
Raashinkan oo lagu magacaabo Skewer Snake ayay Makhaayadaha sameeya haystaan macmiil tiro badan sababtuna waa iyagoo aaminsan inuu hilibkani maqaarka qofka qurxiyo, isla markaana uu dhiiga sifeeyo. Nafarka  u yare e uu qofku dalbado hilibka Skewer Snake waa $ 2, laakiin marka uu doonayo inuu helo  dhiigga maska ama abeesada oo quraarado lagu shubo, aad ayuu qaali yahay, waxaana halka litir la siiyaa $ 200.
Dadka leh makhaayadaha ayaa koriya oo ilaaliya masaska iyo abeesooyinika iyagoo meel uga sameeyay huteelada qaybahooda danbe, si ay ugu muujiyaan macmiisha inuu hilibkan yahay mid daray ah, mararka qaarkood ayba iyagu xushaan midkha ay doonayaan in loo moofeeyo.

Leave a Reply