Guddidii Ka Soo Tallo-bixinta Sixir Bararka Oo Kulan La Yeeshay Xawaaladda Dahabshiil

0
393

Hargeysa(Dawan)- Guddidii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Guddoomiyaha u yahay ee Madaxweyne Siilaanyo u xil saaray inay ka soo tallo-bixiyaan wax ka qabashada sixir bararka xadhkaha goostay, ayaa shalay galab kulan la yeeshay maamulka xawaaladda Dahabshiil, waxaanay la yeesheen xog-waran la xidhiidha mawduuca sicir-bararka. Waxa la soo weriyay in shirkadda Dahabshiil Guddidani ay wax ka weydiiyay fikirkooda iyo waxay ku tallinayaan labadaba. Waxaanay Guddidu kala hadashay sidii ay xawaaladuhu kaalin uga qaadan lahaayeen sicir bararka adhax-jabka ku ah nolosha dadweynaha danyarta ah ee reer Somaliland. Shirkani waxa uu dabo socday kulamo xidhiidh ahaa oo maalmihii la soo dhaafay ay Guddidu hore ula yeesheen sarifleyaasha waaweyn ee caasimadda iyo masuuliyiinta shirkadaha Isgaadhsiinta. Guddida ka soo tallo-bixinta sixir bararka ayaa lagu wadaa in marka ay dhammaystaan kulamadda xog urursiga ah inay warbixin waafiya u gudbiyaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo si wax looga qabto arrinta sixir bararka oo bulshadda ku riday quus iyo niyad xumo ay ka qaadeen  nolosha maalinba maalinta ka dambeysa sii adkaanaysa ee aanay dawladihii Somaliland u kala dambeeyay talladda dalku aanay iska saarin wax masuuliyad ah.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply