Seerayaal Qaran Oo Dalku Yeeshaa Waa Badbaadada Xoolaha Oo Abaarta Ka Soo Dooga

0
410

Waxaa hubaal ah marka laga hadlayo daryeelka iyo bad baadada xoolaha nool  in ay lagama maarmaan tahay in ay yeeshaan siyaasad cad oo lagu dhaqo isla markaana loo qorsheeyo in ay kaga badbaadaan xiliyada abaaruhu ay dalka ka dhacaan.
Habada waxaan wada ogsoonahay in maanta ay ka jiraan dalka Somalilansd abaaro baahsan oo saameeyay guud ahaan xoolaha nool ee dalka ee aynu dhaqano oo ah batroolka aynu leenahay ee aynu caalamka u dhoofino isla markaana kana hello daryeelka ugu badan ee ay nolosheenu u baahan tahay mar aynu iii=bino mar aynu qalano oo cad ka hello, mar aynu maallo oo caano iyo subag ka hello,hadaba waxaa lagama maarmaan ah in ay helaan xooleheena nooli meel ay ku badbaadaan xiliyada abaartu dhacdo ee ay sida maanta oo kale halis u gasho nolosha xoolaha  iyo sii jiritaankooduba.
Maanta waxaan ogsoonahay in xukuumaddu ay  bilawday in ay dalka ka hir galiso seerayaal  qaranku leeyahay oo  loo xidho xoolaha nool isla markaana ay ku badbaadaan xiliyada abaaraha laakiin tallaabadaa ay dawladdu qaaday waxay  kala kulantay diidmo ka so yeedhay dadka deegaanada seerayaasha qaran laga hir galinayay ku dhaqan oo ay siyaabo kala duwan ugu warameen dad aan dantooda  iyo danta xoolaha midna wadin oo doonayay inay ta maanta dhacday oo kale timaado isla markaana ay qoysas badani  ay caydhoobaan oo duunyadu ka baxdo isla markaana ay dadka fikirkaa seerayaasha qaran ka soo hor jeedaa ay shaqaale ka dhigtaan oo ay deegaanada ka bilaabaan dhul ay ootaan oo ay dhuxulaysi u xidhaan isla markaana dhalinyarada dadka duunaydu ka baxday ay shaqaale u noqdaan dhuxusha u soo shida. Laakiin waxaa hubaal ah in ay maanta dareen san yihiin dadkii xoolo raacatada ahaa ee duunyadooda intii badnayd ka baxday ee waayay seerayaal ay ku badbaadiyaan oo ay abaarta kaga soo doogaan.
Waxaa kale oo aan la dafiri karayn  haddii aan dhakhso loo hir galin seerayaal qaran oo dalku leeyahay sla markaana kayd u ah xoolaha looguna talo galo in lagaga badbaado abaartan maanta oo kale haddii ay dhacdo inta la  helayo nimcada iyo raxmaadka EEBE,na aanay xoolo calaf ka helin oo aanay ku baxsan in ay dhici doonto in aynu dhamaanteen magaalada soo wada galno oo aynu wada caydhawno.
Hadaba ugu dambayn waa in qaranka Somaliland siyaasad cad ka yeeshaa isla markaana laga hir galiyaa dalka seerayaal qaran oo ay xoolaheena aynu dhaqanaa ku badbaadaan isla markaana kaga soo doogaan xiliyada ay dalka ka dhacdo abaaraha baahsani.
 

Leave a Reply