Dal Afrika ah oo Korontadii ka Wada Go’day

0
482

Waxaa habeenimadii  guud ahaan korantadii ka tagtay Dalka Zambia , waxa ayna arintaasi saameyn badan ku yeelatay guud ahaan dalkaasi sida laga soo xigtay hay’ada Tamarta ee wadankaasi oo lagu magacaabo Zesco.
Waxaan wali la shaacin cilada rasmiga ah ee keentay in ay habeen hore korontada ka go’do dalka Zambia, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in laga yaabo in koronta la’aanta ay sabab u tahay biyo yaraan soo wajahday biyo xidheenka Kariba oo inta badan korontada laga dhaliyo.
Dalka Zambia ayaa waxaa ka jirta abaar xoogan iyo biyo la’aan, waxa ayna arintaasi saameyn badan ku yeelatay biyo xidheenka Kariba oo qiyaastii 140 km u jira Koonfurta Caasimada dalka Zambia ee Lusaka.
Koronto la’aan ayaa sidan oo kale 11kii bishan soo wajahday dalka Zambia, hasa ahatee waxaa lagu guuleestay in korontada dib u hagaajin lagu sameeyo 24-saac gudahood, waxaana dalka Zambiya hada ka taagan biyo yaraan baahsan oo sababay in ay yaradaan biyaha Biyo xidheenka Kariba ee korontada dalkaasi laga dhaliyo.

Leave a Reply