Shirkad Fulinaysa Shareecada oo Bilaabaysa Duulimaadkii u Horeeyay

0
426

Shirkad dayaaradeed oo laga leeyahay dalka Malaysiya ayaa bilaabaysa toddobaadka  duulimaadyadeedii u horeeyay iyada oo fulinaysa hab dhaqanka  cuntada xalaasha ah iyo lebiska shareecada islaamka.
Waxa ay marka hore ka bilaabaysaa duulimaadka gudaha dalka, kadibna duulimaadyada caalamiga ah, sidaasna waxa sheegay maamulaha shirkada Jaafar Zamhari  salaasadii.
SHirkada ayaan loo oggoleyn wax khamri ah in lagu cabo dusheeda,islmarkaana ku  bixinaysa duulimaadka inta lagu jiro cuntada xalaasha ah oo keliya.
Waxa uu intaa raaciyay in shaqaalaha haweenka ah ay qasab ku tahay in ay xidhaan xijaabka, islamarkaana kuwa aan muslimka ahayn ay iyana xidhaan dhar asturan.
Jaafar waxa kale oo uu sheegay in  salaadaha iyo ducooyinka kalba la fulin doono duulimaaadka kasta ka hor intaanu bilaaban.
Shirkaddan cusub ayaa leh shaqaale dhan  355 qof oo ay ku jiraan siddeed duuliye iyo 50 shaqaalaha duulimaadyada raaca ah.
Shirkadda oo la yidhaa Rayani Air waxa ay leedahay laba dayuuradood oo noocoodu yahay  Boeing 737-400 .
Waxa ay shirkaddu qorsheynaysaa in ay sii  fidiso duulimaadyadeeda  Aasiya sannadka soo socda iyada oo sameyn doonta duulimaadyo u tegaya Sucuudi carabiya xajka iyo cumrada.
 

Leave a Reply