Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Lacag Ugu Deeqday Dhismaha Maktabadda Qaranka

0
446

Hargeisa (Dawan):  Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa deeq   lacageed gudoonsiisay   gudidda  wadda  dhismaha  Maktabadda    Qaranka oo dhismaheedu  ka socodo  caasimadda  Hargaysa. Munaasibadii lacagtaasi lagu wareejinayay  waxaa  ka soo  qayb galay  masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland, Axmed   Aaadan  Ismacil (Ahmed keyse),  safiirka Somaliland u fadhiya dalka UK Cali Aadan Cawaale,   la-taliyaha Madaxweynaha   Saxaafadda Khadar ,   Hassan Cali Gas Agaasimaha Guud Wasaaradda  arrimaha dibadda  C/raxmaa Abdeeq Muxumed      xubno ka socoday gudiida maktabada qaranka iyo masuuliyiin kale.

Madasha   gudoonsiinta    waxa   hadal   kooban   ka jeediyey  wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga   Axmed   Aaadan   Ismacil (Ahmed keyse),  oo   ka   waramay  sida  ay ku timid lacagtan  loogu  deeqay   dhismaha  maktabadda   qaranka iyo cidda soo bixisay.

“Waxaan   jecelahay   in  aan halkan ku gudoonsiino    gudoomiyaha   maktabada   Akriska Qaranka Somaliland   oo Hargaysa   laga dhisayo Axmed    Daahir Cilmi.  Deeqdan  oo ay wasaaraddu   markii   hore  u balan qaaday  oo ay ugu tallo gashay  inay gacan ka gaysto   dhismaha    maktabada  qaranka Somaliland, oo ah  markii u horaysay   yeelanayso.  Deeqdani  runtii wasiirkii hore  ee  Arrimaha Dibedda  Maxamed   Biixi  Yoonis  ayaa balan qaaday  sidii wasaaradaha   kale shirkii u horeeyay  lagaga  dhawaaqay   25   Wasaaradood,    waxaan   filayaa  in aan noqonayno    wasaaradii   labaad ee bixisay  balan qaadkii. Maxamed Biixi Yoonis  lacagta $5000 kun dollar  ayuu maalintii kaash  noogu  dhiibay,   laba bilood ka hor.  Waxaanu  halkan ku cadaynaynaa  in aau ku wareejinay   umadda reer Somaliland   iyo  cidii kale ee na daawanaysa   gudoonsinay   maktabadda   akhriska   Somaliland $5000 kun dollar.”

 Wasiir   Kayse,  ayaa dhinaca kale   ugu baaqay  wasaaradaha kale ee dawlada iyo  hay’adaha kaleba   inay   gacan ka gaystaan   dhismaha   maktabada akhriska   “Waxa  kale oo aan intaa ku dari lahaa wasaaradihii kale 25 ahaa inay iska soo bixiyaan lacagihii  ayaa  hore  u balan qaaday  in ay   fuliyaan oo gacan   ka gaystaan dhismaha maktabada.  “Waxaan  filayaa  wasaaradyadu waxay noqonaysaa tii labaad,  sidaad  og-soon tihiin  waxay noqonaysaa wasaaaradii ugu lacagta bad-nayad,  wasaaradaha dawlad intaa   waxaa  bixisay  runtii  kolay wasiir Maxamed Biixi   wuxuu   joogga   qurbaha. wuxuu   ka   daawan   doona   warbaahinta kala  duwan  halkaa wuxuu ka arki doona aniga iyo agaasimaha guud  aanu si rasmi ugu wareejin doono  gudoomiyihii maktabada qaranka Somaliland” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arrimaha dibadu.

 Agasimaha  guud   ee wasaaradda   Arrimaha Dibadda  C/raxmaan   Abdeeq    Muxumed,  ayaa ugu baaqay bulshada  reer Somaliland inay gacan ka geystaan   dhismaha   maktabda   akhriska  qaranka Somaliland, waxaanu yidhi  “Waa in  laga qayb qaato maktabada akhris  Qaranka Somaliland,  oo laga dhisi  doono Caasimada  Hargaysa,  kolay   waxay   noqon mayso  deeqdii   u  horaysay ee ay  bixiyaan dadka reer Somaliland u dhashay.     Laakiin  noqon doonto  tani deeqdii   labaad ee ay bixiyaan wasaaradaha  dawladu.” Agasimaha  ayaa  mahad  naqay  cida  gacanta ku haysa  dhismaha  maktabada  akhriska  qaranka.  “Aad iyo aad   ayaan ugu bogaadinayaa   cidkasta oo fikarkan lahayd,  dedaal   badan u gashay,  wakhti   badan ku qaadatay oo uu ka mid yahay  Axmed   Daahir   Cilmi,  cidkastoo  garab gashay ama dhiirgelisay, oo  jecel  inay dhamaato way la qabtaa   mahadaasi”  ayuu yidhi agaasimaha guud. Gabagabadii   waxaa  isna halkaasi ka hadlay  gudoomiyaha Maktabada akhriska qaranka  Axmed Daahir Cilmi, oo uga mahad naqay wasaaradda arrimaha dibadda lacagta ay ku wareejisay waxaanu tilmaamay in ay wasaaradda arrimaha dibadu noqonayso tii labaad ee lacag ugu deeqda dhismaha maktabadda qaranka.

 

Leave a Reply