Xaaji Cabdi-waraabe Oo Ku Soo Laabtay Dalka, Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad

0
395

By: Cumar M.Faarax

Hargeysa (Dawan)-Xildhibaan Xaaji Cabdi-kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtidda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay galab dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu uu xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka Itoobiya muddo sideed maalmood ah.

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen oo ka soo degay madaarka Cigaal Intertnational Airport ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inuu ka soo kabtay xanuunkii hayay isla markaana si wanaagsan loo daweeyay mudadii uu ku sugnaa Addis-ababa.

 “Aad baan u wanaagsan nahay dhakhaatiir wanaagsan ayaan ka helay Addis-ababa aadna waa laygu shaqeeyey oo binu-aadanimo ah,  aad-baan ugu ladnaaday, garaacii iyo xumadiiba way iga jabeen, xanuunka jileeciisii uun baa i haya iyo gabbow,”ayuu yidhi Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe.

Xaaji Cabdi waxa uu u duceeyay dadkii u shaqeeyay iyo kuwii soo siyaartayba,waxaanu yidhi “Nabad-gelyo  Alle waa igu geeyey nabadgelyana waa igaga soo celiyey, dadkii joogayna Alle ha nabad-geliyo, waa salaanta sharciga ah ayaan salaamayaa, Dhakhtaradii iyo Huteelkii  iyo dadkii odayaashii iyo ummaddii  ii shaqaynaysay ee i soo salaantayna waan salaamayaa.”

Xildhibaan Cabdi-waraabe waxa madaarka kaga hortagay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirul dawlaha wasaaradaas Maxamed Muuse Abees, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo wax-garad kala duwan.

Leave a Reply