Cuntada Habeenkii Goorta Dambe La Cunaa Waxay Keentaa Nacasnimo

0
360

Khubaro u dhalatay wadanka Maraykanka oo dhowaanahan waday daraasad dhinaca cuntada iyo waqtiyadeeda ah ayaa ugu dambayn natiijo ay soo saareen ku sheegay in cuntada oo habeenkii goor dambe la cunaa ay keento nacasnimo.
Culimadan daraasada samaynaayey ayaa sheegay in aanay cuntadu waxyeelo u geysan oo keliyaata maskaxda ee ay sidoo kalena jidhka kale waxyeelo u geysato,laakiin waxyeelada maskaxdu noqoto mid saamayn badan yeelata.
Kooxdan daraasada samaysay ayaa ka socotay jaamacadda California ayaa sheegay in cuntada xiliga dambe ay dadku cunaan ay dhaawac soo gaadhsiiso xusuusta ,madaama oo cuntada la dheef shiido xiliga la hurdo,taas oo keenta in ay waxyeelo soo gaadhsiiso maskaxda ,gaar ahaana qaybta loo yaqaano  Hippocampus oo ah qaybta xukunta xusuusta.
Cilmi baadheyaashan ayaa tijaabo ku sameeyey jiir,iyaga oo cuntada siiyey xili ka dambaysay xiligii ay hore u siin jireen oo ahayd inta aanay sariirta geyn,waxaanay cuntadaasi siiyeen goor dambe oo habeenkii ahayd,waxaanay sheegeen in uu shoog qaaday jiirkaasi,kadibna uu lumay qayb xusuustiisa kamid ahi.
Luo Down oo ahaa khabiirka kooxdan hormuudka u ahaa ayaa sheegay in ay heleen cadayn muujinaysa in cunitaanka cuntada oo la joogteeyo goorta dambe ee habeenkii inay keento inay samayso waxbarashada iyo xusuusta.
Tijaabada daraasadan ayaan weli lagu samayn dadka ,iyaga oo sheegay khubarada daraasadan samaynaayey in haddii la xaqiijiyo arrintan ay noqonayso in cuntada oo waqti loo sameeyaa ay muhiim tahay,gaar ahaana in layska ilaaliyo xiliyadan dambe oo kale.
 
 

Leave a Reply