Diyaarad Aan Duuliye Lahayn Oo Bad Iyo Berriba Maraysa Oo Markii Ugu Horeysay La Ikhtiraacay

0
355

Waxa markii ugu horeysay lasoo saaray taariikhda diyaarad nooca Drone ka loo yaqaano ee aan cidi wadin ah ,taas oo badda iyo berrigaba si isku mid ah u maraysa.
Diyaaradan waxa ikhtiraacay arday dhigata jaamacaddaha Rutgers University iyo New Jersey oo kamid ah jaamacaddaha wadanka Maraykanka.
Diyaaradan waxa maalgelinta ugu badan bixiyey xafiiska Naval oo ah xafiis qaabilsan cilmi baadhisaha,kaas oo doonaayey inuu dhiirigeliyo ardaydaasi keentay fikirka iyo qaabka dhismaha diyaaradaasi.
Madaxa fulinta mashruuca diyaaradan oo lagu magcaabo Marco Maia ayaa sheegay in diyaaradani ay hawlgalo ka samayn karto bad iyo berriba,iyada qabanaysa hadba wixii loogu talo galay,waxaanay haddana si fudud ugu soo noqonaysaa ayuu yidhi bartii loogu talo galay.
Qaybta cilmi baadhista ee ciidamada badda Maraykanka ayaa ah kuwa aadka u xiisaynaaya diyaaradan,iyaga oo sheegay inay aad ugu fiican tahay dhinaca amaanka Maraakiibta oo ay sugayso,waxaanu Professor  Javier Diaz sheegay inay doonayaan in ay diyaaradan waxyaalo dheeraada ku daraan habkeeda samays ama ay u qaabaysan tahay.
Diyaradan ayaa waqtigan la doonayaa in la tijaabiyo iyada oo lagu daraayo qaybo dheeraada,waxaana la rajaynayaa in mashruucaasi la kordhiyo,iyada oo ay gacan ta ku qaban doonto wasaaradda difaaca ee Maraykanku,kadibna lagu dari doono qayb xawaare oo dheeraada.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply