Dhakhtarka Caruursadaha Caruurta!

0
759

Dalka Portiqiiska waxa  ka furan dhakhtar si gaar ah loogu geeyo caruusadaha caruurta. Xaruntan ayaa lagu magacaabaa Dhakhtarka caruusadaha. Waxaad geyn kartaa kuwii adigu aad ku  ciyaari jirtay markii aad yarayd si uu kuugu bedelo qaab kale oo ama sidii ay asal ahaan u samaysnaayeen si aad u xusuusto yaraantaadii.
Waalidiinta iyo caruurta ayaa Cisbitaalkan yimaada iyagoo doonaya in caruusadaha caruurtooda qaabkooda  wax looga bedelo ama looga dhigo noocii ay ku ciyaari jireen waalidiintu markii ay yaraayeen oo wakhtigan badankooda laga baxay.
Cisbitaalakan ayaa helay suuq balaadhan oo banaan, waayo hore uma jirin goob Caruusadaha lagu daweeyo oo loola jeedo in qaabkooda laga bedelo oo noocii la doonayo loo ekaysiiyo. Waxaan xirfadan sameeyay dad aad ugu xeel dheer arrimaha suuqgeynta iyo ganacsiga.

Leave a Reply