Qiso: Soddon Ka Sanno Dib Ayuu Abaalkii Iska Guday

0
385

Sannadkii 1981 ayuu wiil yar oo qoys sabool ah ka soo jeeday oo u dhashay dalka Taiwan ka xaday Farmasi dawo si uu hooyadii oo xanuunsanaysay ugu geeyo markii uu lacag uu ugu iibiyo waayay. Nasiib darro ninkii farmasiga lahaa ayaa ogaaday oo suuqa dhexdiisa ku qabtay dadkiina ku dhex fadeexadeeyay, laakiin nin suuq badeecooyinka ku iibiya oo u dhowaa ayaa wiilka ka bixiyay lacagtii dawada markii uu ogaaday xaalkiisa. Wiilkii sidaasi ayuu maalintaasi ku qaatay dawadii.
Laakiin 30 sanno ka dib ayaa ninkii ganacsadaha suuqa ahaa ee wiilka lacagta ka bixiyay la keenay dhakhtarka isagoo aad u xanuunsanaya, wax lacag ahna aan haysan.
Kharashkii daawooyinkii oo dhan iyo daryeelkiisii kaleba waxa bixiyay dhakhtarkii  dawaynayay waayo wuxuu ahaa wiilkii 30 sanno ka hor uu ka bixiyay dawadii hooyadii uu u geynayay. Sidaasii ayay arrimaha adduunyadu isugu noqd-noqdaan mar kastana isku day inaad samayso samafal iyo wanaag, dadkana aanad dhibin.

Leave a Reply