Suniyiinta iyo Gacan ku Haynta Ramaadi

0
364

Saraakiisha Milatariga Ciraaq ayaa sheegay in dagaalyahanada qabaa’ilka ee Suniyiinta ay gacan ka geysanayaan gacan ku haynta dhul ka mid ah magaalada Ramadi, kadib markii ciidamada ay inta badan ka adkaadeen dagaalyahanada kooxda Daacish.
Iska caabin yar ayaa weli ka jirta magaalada Ramadi, kadib markii ciidamada Ciraq oo ay dhinaca cirka ka taageerayaan xulufada Mareykanka uu hogaaminayo ay dagaal xooggan qaadeen toddobaadkii tagay, taasi oo gacan ka siisay inay qabsadaan dhismaha xarunta dowladda ee Ramadi.
Afhayeen u hadlay isbaheysiga, Steve Warren, ayaa sheegay in 150 illaa 250 dagaalyahan oo Daacish ah ay weli ku hadheen magaalada, taasi oo aad uga yar tiradii hore oo ahayd 1000 askari.
Saraakiisha Ciraq iyo Mareykanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Suniyiinta aysan kaalin muuqata ku lahayn qabashadii Ramadi, hase yeeshee ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah goobihii la xoreeyey.
Ra’iisul wasaaraha Ciraq, Haydar Al-Abadi ayaa sheegay in dowladda ay iminka isku dayi doonto inay qabsato magaalada Mosul, oo sidoo kale ay ku badan yihiin Suniyiinta.
 

Leave a Reply