Turkiga oo Xidhay Xubno uu ku Tuhmay ISIS

0
373

Turkiga ayaa xidhey laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka ISIS, kuwaas oo lagu eedeynayo inay qorshaynayeen inay weeraro Ismiidaamin ah ka geystaan caasimadda Turkiga, inta lagu guda jiro dabbaal degga sanadka cusub.
Saraakiishu waxay sheegeen in labada ruux laga soo xidhey meel u dhow Ankara.
Dowladda Turkiga ayaa feejignaan sare ugu jirtey weerero dhaca tan iyo bishii October, kadib markii laba weerar oo is miidaamin ah ay ka dhaceen meel dibadda ka ah xarrun tareenka laga raaco magaalada Ankara, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan boqol ruux.
Inkastoo casimadda Ankara ay ka fog tahay xadduuda Siiriya, oo maleeshiyaadka ISIS qeybo ka mid ah ka arrimiyaan, ayay dowladdu ka sameysaa xadka howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo si ay uga hortagto weeraro ay kooxdaasi ka soo abaabusho gudaha Siiriya oo Turkiga laga geysto.
 

Leave a Reply