Askari Yuhuudi Ah Oo Naxdin Ku Riday Israa’iil!

0
350

Mar kasta waxa dunida ka dhacay arimo yaab leh. Markii uu gaadhiga rakaabka iyo labada suxufi ee u dhashay dalka Urudun uu soo gaadhay barta kantaroolka , ayay maqleen rakaabki iyo ciidankii israa’iil ee baadhista waday eedaanka salaadda oo cod sare ku baxay.
Markii ciidanka Yuhuuddu ku soo dhowaadeen waxay arkeen mid ka mid ah askartooda oo ku jirta Makhsinka  muraayadda ah ee ilaalada kantroolka oo eedaamaya.
 
Arinkan ayaa yaab ku riday rakaabkii, asakratii iyo muwaadiniintii kale ee goobta joogay. Arintani ayaa sida uu daabacay wargeyska ka soo baxa dalka Israa’iil uu sheegay inay la mid ahayd isla goobtan oo mar hore askari  ku  heesay cod dheer, kaasi oo caan ka noqday xaruntan. Ugu danbaystiina askariga ayaa noqday  mid ka soo jeeda Itoobiyaanka la geeyay Yuhuudda oo muslin ahaa.

Leave a Reply