Daacish oo Sheegatay Qarax Bam oo ku Dilay 40 Qof Liibiya

0
386

Kooxda islaamiga ah ee Daacish ayaa sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen qarax bam oo lagu weeraray xarun tababar boolis oo ku taal Liibiya.
 
Ugu yaraan afartan qof ayaa ku dhintay Bombka lala beegsaday xarunta lagu tababaro boliiska ee galbeedka magaalada Zliten ee Libya.
Warfaafinta Libya ayaa sheegtay in la beegsaday xarunta tababarka ee al-Jahfal. In kabadan boqol ayaa ku dhaawacantay.
Waxa kale oo ay Daacish sheegatay in ay fulisay weeraro kale khamiistii oo ka dhacay dekeda saliida ee Raslanuf, halkaasi oo lagu dilay toddoba qof.
Xarunta tababarka ayaa ahayd saldhig milatari markii uu xukunka hayay Mucammar Qadafi.
Libya ayaa dagaalo ay ka socdaan tan iyo 2011 markii la riday Qadafi, waxaana jira walaac laga qabo in kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee (IS) ay xoog ku yeelato Libya.

Leave a Reply