Iiraan oo Dacwad ka Gudbinaysa Sacuudiga

0
686

Dowladda Iran ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u gudbin doonto dacwad ku aaddan duqeyn ay sheegtay in diyaaradaha Sacuudiga ay u geysteen safaaradeeda ku taalla caasimadda Yemen ee Sanca.
Warbaahinta qaranka ee Iran ayaa sheegtay in firidh gantaal uu ku dhacay gidaarka safaarada, ayna ku dhaawacmeen dhowr ka mid ah shaqaalihii halkaasi ku sugnaa.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeyn culus loo geystay agagaarka safaarada, balse aanay muuqan wax burbur ah oo dhismaha soo gaadhay.
Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa beeniyay in ay safaarada bartilmaameedsadeen ama ay duqeeyeen deegaannada ku dhow.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu meel xun marayo khilaafka diblomaasi ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran.
 

Leave a Reply