Zimbabwe oo Duurjoogta u Iibgaynaysa Shiinaha

0
396

Zimbabwe ayaa kor u qaadaysa dhoofinta duurjoogta oo ay ku jiraan maroodiyaasha oo ay u dhoofinayso Shiinaha, sidaasna waxa sheegay wasiirkeeda deegaanka.
Jariirada dawladda Herald ayaa soo xigatay wasiirka Oppah Muchinguri oo sheegaysa in tallaabadani yaraynayso dhimashada maroodiyada u dhimanaya abaarta darteed.
Dadka dhaliilaya arrinta ayaa hore ugu cambaareeyay in ay dhoofinta duurjoogtu tahay iyada oo la xadayo kheyraadkii dabiiciga ahaa ee jiilalka mustaqbalka.
Ms Muchinguri waxa ay intaa raacisay in ay Zimbabwi ka raadinayso shiinaha sidii ay gacan uga siin lahayd tegnoolajiyada lagula dagaalamo ugaadhsiga oo ay ku jiraan dauuradaha aan duliyaha lahayn ee drones..
Saraakiisha ayaa rumeysan inuu iibka xayawaanadani keenayo lacago lagu ilaaliyo inta kale.
Zimbabwe ayaa ilaa bishii jualy eek al hore waxa ay iibisay 100 maroodi oo loo diray shiinaha. Tirada maroodiyada ku dhaqan ayaa ah   in ka badan  84,000 sida ay werisay Herald.
Sida ay sheegeen saraakiisha duurjoogta waxa halkii maroodi la siistaa  $40,000 (£26,000).

Leave a Reply