Tijaabada Hubka Kuuriya iyo Shakiga laga Qabo

0
468

Kuuriyadada Woqooyi ayaa arbacadii shalay sheegtay inay Si guul leh u tijaabisay bam haydorojiin ah, tallaabadaas oo ay si kulul u cambaareeyeen hoggaamiyayaasha caalamka.
Ku dhawaaqista arrintan oo lagu sameeyey taleefishinka qaranka, ayaa ku macneysay tijaabada mid difaacu nafsi ah, oo lagu ilaalinayo madaxbanaanida dalka, waxaana dhowr mar lagu tixraacay Mareykanka.
Arrintan ayaa timid wax ka yar bil un markii hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un, uu sheegay in dalkiisa uu horumariyey bam haydarojiin ah. Mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka ayaa sheegashadaas aan waxba kasoo qaadin.
Bamka haydarojiinka, ayaa si aad ah uga xoog badan bamka atoomika.
Kuuriyada Woqooyi ayaa horey u sameysay saddex tijaabo oo nuklear ah, sanadihii 2006, 2009 iyo 2013. Dhammaantood waxa ay ka dhaceen goobta lagu magacaabo Punggye-ri, halkaasi oo dhowr hay’adood shalay ay sheegeen in laga dareemay dhul gariir ay dad sababeen.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka, Ned Price ayaa sheegay in Mareykanka uusan xaqiijin karin tijaabadan, hase yeeshee dowladda Mareykanka waxay marar badan ku celisay inaysan aqbali doonin in Kuuriyada Woqooyi ay haysato hub Nuclear ah.
 

Leave a Reply