Itoobiya oo Joojisay Qorshe Addisababa lagu Ballaadhinayo

0
292

Dowladda Itoobiya ayaa iska daysay qorshe lagu balaadhinayo magaalada Addisababa, oo keenay mudaharaadyo bilooyin socday.
Mudaharaadyo ay sameeyeen dadka Oromada ah oo ah dadka ugu badan, ayaa ka danbeeyay cabsi ay beeralayda ka qabto in dhulkooda laga qaato.
Kooxaha xaquuqda bini’aadanka ayaa ku qiyaasaya, in ugu yaraan boqol iyo afartan qof ay dhinteen tan iyo markii ay bilaabmeen mudaharaadyada bishii November.
Dowladda ayaa sheegay tirada dadka dhintay inaysan sax ahayn. Dowladda gobolka Oromia ayaa sheegtay inay joojinayso qorshaha balaadhinta Addisababa, kadib markii ay la tashatay dadka deegaanka.
 
 
 
 

Leave a Reply