Iiran oo sii daysay Ciidamo Maraykan ah

0
316

Ilaalada kacaanka ee Iran ayaa sii daysay toban ciidamada badda ee Maraykanka oo ay qabteen kadib markii ay soo galeen biyaha Iran ee Gacanka, telefishinka Iran ayaa sheegay.
Waxaa la qabtay ciidamada salaasadii, kadib markii mid ka mid ah laba maraakiibtooda uu halaabay iyagoo tababar samaynaya, sida Maraykanku  sheegay.
Hadalka ay soo saareen oo laga akhriyay Telefishinka Iran ayaa ciidamada lagu sii daayay badda caalamiga kadib markii ay raali galin sameeyeen.
Ciidamada oo ah Sagaal nin iyo hal dumar ah ayaa loo qaaday jasiirada Farsi ee bartamaha Gacanka, oo Iran ay saldhig ku leedahay.
Taliyihii ciidanka badda ee ilaalada kacaanka ee Iran, General Cali Fadavi, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay in cilad makaanig ay ka danbaysay.
 

Leave a Reply