Khilaafkii UCID Oo Dib U Qaraxay Iyo Guddoomiye Faysal Oo Laalay Xilal uu Magacaabay Jamaal Cali Xuseen

0
278

Hargeysa(Dawan)-Khilaafkii u dhaxeeyay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa mar kale soo laba kacleeyay, ka dib markii Guddoomiyaha xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe uu  buriyay xilal cusub oo uu dhawaan magacaabay Murrashaxa madaxweynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo guddiyo u magacaabay ololaha madaxtooyadda ee qaar ka mid ah laamaha dibadda.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu  tallaabada uu xilalka ku magacaabay Murrashaxa Madaxweynuhu ku sifeeyay qaar aan sharciga xisbiga meelna kaga oolin, waxaanu laamaha dibadda faray inay hawl-maalmeedkooda u gutaan sidii hore.
 
Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaas ku sheegay war-gelin uu ku socodsiiyay laamaha dibadda ee xisbigaas, Murrashaxa madaxweynaha iyo Guddida fulintaba, waxaanay u qornayd sidan:-“Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu Qoraalkan ku war-gelinayaa Dhammaan inta ay khusayso in uu dhawaan Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID uu magacaabay xilal sharciga xisbiga baal marsan. Magacaabistaasina ay joojisay Hawl maalmeedkii shaqo qeybo ka mida laamaha dibbada
Haddaba, Waxaa lala socod siinayaa dhammaan inta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto, Xeer hoosaadka Xisbiga UCID iyo Sharciga Xisbiga UCID midna aanay ku qeexnayn meelna aanay kaga jirin Magacaabistaasi isla markaana aan la gaadhin xiligii kaambaynka oo aanay sharci ahayn xisbigana aanay matali Karin dadkaas la magacaabay.
Ugu dambayntii Xisbi ahaan Waa in aynu dhawrnaa Sharciga iyo kala Dambaynta Xisbiga UCID, waxaana laamaha Dibada la la Socodsiinayaa in ay Shaqadoodii Sidoodii u wataan hawl maalmeedkoodii shaqana gutaan.”
 
 
 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply