Qofku Siduu U Seexdo Ayay Ku Xidhan Tahay Caafimaadkiisu

0
268

Khubaro dhinaca sayniska ah oo u dhashay wadanka Koonfurta Kuuriya ayaa daraasad ay soo saareen natiijadeeda ku sheegay in qofku siduu u seexdo ay ku xidhan tahay xaaladiisa caafimaad.
Khubaradan oo kamid ah dhigeyaasha jaamacadda Seoul University oo daraasadan dhameeyey dhowaan ayaa tijaabo ku sameeyey kooxo kala duwan oo gaadhaaya ilaa 1600 oo qof,kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 47 sanno ilaa 59 sanno.
Kooxahan ayaa loo kala qaybiyey  ilaa saddex kooxood oo kala duwan kuwaas oo la daba gelaayey habkooda hurdo iyo kooda caafimaad,waxaanay sheegeen in habkooda hurdo ay samayso caafimaadka qofkaasi,gaar ahaana jidhka oo xanuuna ama wadnaha iyo xubnaha kale oo noqda kuwo xanuuno yeeshay.
Kooxda kowaad qaar kamid ah ayaa dhakhaatiirta waday daraasadan ee caawinaysay khubaradani ka heleen xanuuno uu kamid yahay macaanku,kuwaas oo aanay hore u lahaan jirin,halka kooxda labaadna qaarkood laga helay xanuunka wadnaha ama wadne xanuun iyo sidoo kalena xididada dhiiga oo iyaguna khal khalay.
Qaybtii saddexaad ayaa iyaguna ahaa kuwo ka caafimaad qabay xanuunadaasi,iyada oo ay khubaradani sheegeen inay daraasadan sii wadi doonaan,waxaana daraasada tan xigta laga dhigi doonaa mid ku salaysan xidhiidhka u dhexeeya caafimaadka iyo wax qabadka maalinlaha ah ee dadku qabtaan.
 

Leave a Reply