Daraasad Lasoo Saaray Oo Cadaysay Sababta Ragu Uga Yaraadeen Dumarka

0
426

Saynisyahano ka kala socday jaamacaddo kala duwan ayaa dhowaad daraasad ay soo saareen ku soo bandhigay natiijada daraasadaasi, taas oo ay ciwaan uga dhigeen (waa maxay sababta ay raggu dumarka uga yaraadeen), waxaanay cadeeyeen inay boqolkii sanno ee ugu dambeeyey raggu ahaayeen kuwo sii yaraanaayey .
Khubaradan ayaa sheegay in ay sabab u tahay yaraanta raggu iyada oo uu is bedel ku yimid hindesidaha loo yaqaano Chromosomes, gaar ahaana xarafka Y oo ah xarafka qaabilsan raga dhanka Biology-gu, halka xarafka X uu noqday mid aad u kordhay.
Khubaradan ayaa sidoo kalena intaasi ku dartay in unugyada loo yaqaano Telometers ay iyaguna hoos u dhaceen, taas oo kamid ah sababaha  keenay inay tirada raggu hoos u dhacdo.
Sanisyahanadan ayaa sheegay in tirada X-ta ee Chromosomes ku ah noqdana kuwo laban laabma marka ay midi dhaawacanto ama meesha ka baxdo,taas oo si deg dega loo bedelo markiiba.
Raga ayay sheegeen in aanay lahayn wax Chromosomes ah oo bedeli kara kuwa raga ee dhaawacma, kuwaas oo ka qayb qaatay inay yaraadaan raggu, waxaanay sheegeen khubaradani in raggu 5 million oo sanno ka dib meesha ka bixi doonaan.

Leave a Reply