Iiraan oo Sheegtay inuu Bog Cusub u Furmay

0
463

Madaxwaynaha Iiran Xasan Rawxaani ayaa sheegay in dalkiisu uu furay bog cusub wuxuuna hadalkaasi jeediyay saacado uun kaddib markii cunaqabataynta laga qaday.
Cunaqabateenada caalamiga ahaa ee saarnaa ayaa la qaaday kaddib markii hay’adda Qaramada Midoobay ee quwadda atoomikada ay xaqiijisay in ay adeecday heshiis loogu talagalay in looga hortago in ay kobciso hubka nukliyeerka.
Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Iiraan ay soo dhameystirtay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku bilaabi laheyd dhaqangelinta heshiiska nukliyeerka.
Agaasimaha guud ee hay’adaasi, Yukiya Amano, ayaa sheegay in “maanta ay tahay maalin muhiim u ah bulshada caalamka”.
Baadhayaasha hay’adda ee ku sugan gudaha Iiraan ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay qaadday tallaabooyinkii laga doonayay, ayuu sii raaciyay.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska uu ka qeyb qaadan doono horumarinta ammaanka iyo nabadda gobolka iyo caalamka.
Heshiiska Taariikhiga ah ayey Iiraan iyo quwadaha caalamku wada galeen bishii julayLuulyo ee tagtay.
Cunaqabateenada laga qaaday Iiraanna waxa ay u sahlaysaa in ay hesho hanti gaadhaysa balaayiin doolar iyo weliba in saliidda Iiraan si caalami ah loo iibsan doono.
 

Leave a Reply