Qiso: Naxariista Hablaha Ee Waalidka

0
395

Markii ay ku heshiiyeen lamaanihii is guursaday in aanay gurigooda cidna ka furin, ayuu albaabkii soo garaacay waalidka ninka. Labadooda ayuu midba kan kale eegay iyagoo xusuusan balankii ay galeen. Ninka oo garanayay inuu yahay waalidkiisa kama furin waalidkii, wax yar ka dibna wuu iska noqday.
 
Muddo yar ka dib ayuu albaabka soo garaacay gabadha waalidkeedm, labadoodi ayaa is eegay iyagoo xusuusan balankii.
Gabadhii ayaa ilmaysay wax yar ka dibna way istaagtay oo albaabkii ayay ka furtay waaidkeed iyadoo ilmanaysa. Ninkeeda ayaan arinkaasi waxba ka soo qaadin oo iska dhaafay, laakiin sanado ka dib gabadhiisa oo hore u dhashay 4 wiil ayaa markan shanaad dhashay gabadh.
 
Aabaha ayaa u sameeyay gabadha u dhalatay xaflad weyn oo uu dad badan ku soo casuumay. Gabadhiisa ayaa weydiisay sababta uu ilamhan yar casuumadda weyn ugu sameeyay isagoon afartii wiil ee ka horeeyayba u samayn?
Waxaana uu ku jawaabay:” Runtii waxaan doonayaa inay noqoto qofka alabaabka iga furi doonta sidii adiguba aad waalidkaa uga furtay wakhtigii arooskeena”. Sidaasi ayay habluhu uga naxariis badan yihiin ragga.

Leave a Reply