Wasaaradda Cadaaladda Oo Maxkamadaha Sanaag Ku Wareejisay Qalabka Xafiisyadda

0
322

Ceerigaabo (Dawan): Wasaaradda cadaaladda Somaliland ayaa  shalay qalab ka xafiisyadda ku wareejisay maxkamadda gobolka Sanaag, qalabkaasi oo isugu jiray kombuyuutarro,  kuraas, miisas iyo qalab kale,  waxaana  lagu wareejiyay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Sanaag. 
Isu-duwaha wasaaradda cadaaladda ee   gobolka Sanaag, oo qalabkaasi ku wareejiyay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee Sanaag,  oo ka warbixiyay qaybaha uu ka kooban yahay qalabkaasi. Waxaanu  yidhi “Qalabkani wuxuu ka kooban yahay 8-kursi, 12  miis, 3 qasnadood oo loogu tallo galay in lagu xafido waraaqaha iyo waxyaabaha kale ee xafiisyadu leeyihiin. 3 kombuyuutar,  3 printer iyo 3 photo copy.”
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Sanaag, oo isagu qalabkaasi  kala wareegay isu-duwaha, waxaanu sheegay in ay  baahi weyn u qabeen qalabkani, isla markaana ay hadda kaga maarmi doonaan  baahidii ay markii hore  qabeen.
“Haddii aanu nahay bahda gar-soorka gobolka Sanaag baahi aad iyo aad u weyn ayaanu u qabnay qalabkani, waxaananu aad iyo  aad ugu mahad naqaynaa  wasaaradda cadaaladda, wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud.  Waxa kale oo aanu u  mahad celinaynaa  isu-duwaha wasaaradda cadaaladda ee gobolka Sanaag, oo qalabkani nagu wareejiyay” ayuu yidhi  guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Sanaag.
Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay, ayaa shalay xilalkii u kala wareejiyay  badhasaab ku xigeekii hore ee gobolkaasi Ismaaciil Cabdi Xasan  iyo  badhasaab ku xigeenka cusub Naaleeye Axmed Sheekh Jaamac.
Waxaana munaasibadaasi xil wareejinta ka soo qayb galay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Sanaag, salaadiin, cuqaal, dhalinyarro, aqoon yahanno iyo marti sharaf kale.
Dawannews Hargeysa office
 
 

Leave a Reply