Si Mucjiso Ah Ayuu Isu waafajiyay Danaha Saddex Qof Oo Kala Duwan!

0
330

Markii uu wiilkiisa u tegay ayuu u sheegay inuu doonayo inuu guursado gabadha uu dhalay Bill gate oo ah ninka dunida ugu taajirsan, isla marakaana u diyaariyay arooskooda iyo wixii ku bixi lahaa, isagana uu ka rabo oo keliya inuu ka ogolaado.  Wiilka oo aad u yaaban ayaa muujiyay in aanu diyaar u ahayn, waayo muu arag. Laakiin odayga aabihii ayaa ku yidhi :” haddii aad aragto wax dhab ah inay ku cajibin doonto, oo aad raali ku noqon doonto iyadoo weliba uu aabo u yahay ninkaasi dunida ugu taajirisani, ee adigu iga ogolow inaad guursato. Wiilkii ayaa aabihii ku yidhi waayahay waan kaa aqbalay, si kasta oo ay tahay aabo.
Aabaha ayaa u tegey Bill Gate, waxana uu ku yidhi :” Waxaan inantaada u hayaa wiil u qalma kuna haboon inuu guursado, markaa waa inaad wiilkaasi u guurisaa gabadhaada?
Bill Gate isagoo  yaaban ayuu si fudud ugu yidhi :” Waa sax, laakiin inantaydu weli way yartahay oo may gaadhin guurkii.  Aabaha ayaa markaasi ku yidhi :” laakiin ninkan aan u doonayo inantaada waa ku xigeenka baanka aduunka?” Bill Gate ayaa madaxa ruxay oo yidhi “ haddii uu ninkaasi yahay waan ogolahay”.  Maalintii ku xigtay ayuu odaygu u tegay madaxa baanka aduunka waxaana uu ka codsaday inuu wiilkiisa u magacaabo ku xigeenka baanka isagoo sheegay inuu shaqadaasi aad ugu wanaagsan yahay. Madaxa baanka ayaa u sheegay in wakhtigan ay badan yihiin ku xigeenadiisu oo aanay suurtagal ahayn in qof kale la magacaabo.  Odayga aabaha ah ayaa markaasi ku yidhi “ Laakiin ninkan aan dhalay ee aan wadaa wuxuu xidid la yahay Bill Gate oo uu inantiisa qabaa”.
Madax baanka aduunka markii u arinkaasi maqlay ayuu ku jawaabay “ hadii uu sidaasi yahay waan ka dhigay ku xigeenka madax baanka aduunka”.   Akhriste odaygu wuxu is waafajiyay danaha saddex qof  isagoon mid kasta u tusay inuu ka kale dan u yahay.  Sidaasi ayay dadku mar kasta dantooda u eegaan, haddaba waxa loo baahan yahay in hawl kasta loo adeegsado maskax iyo caqli.

Leave a Reply